Monday, July 13th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiye Xigeenka Wajaale Oo Kulmiye Ka Difaacay Eedo Uga Yimid Waddani

Published on September 27, 2017 by   ·   No Comments

Tog-Wajaale (SDWO): Guddoomiye ku-xigeenka degmadda Tog-wajaale Mursal Nuux Cismaan, ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay yihiin xubno siyaasadda ku saaqiday.

mursal

Waxa uu sheegay in   xisbiga Waddani  uu caadaystay af-lagaadaynta gobolka Gabiley, isla markaana aanu guddoomiyaha Waddani marnaba raali gelin ka bixinin af-lagaadadda ay kula kaceen bulshadda gobolkaaasi.

Mursal Nuux Cismaan, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Wajaale, waxa kaloo uu ka hadlay arrimo la xidhiidha taageereyaal uu sheegay in xisbiga Waddani inta uu Hargaysa ka soo ururiyay kadibna Gabiley, Awdal iyo meelo kale kala hadlay. Kuna tilmaamay in ay yihiin taageereyaashiisa degaamadaasi.

Halkan Ka Daawo:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.