Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Wakhtiga adag iyo xilliyada fitnada waxaynu kaga bixi karnaa, inaan dadku Diinta Islaamka saluugin, balse ay xejistaa”… sheekh Dirir

Published on September 29, 2017 by   ·   No Comments

Hargeysa- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday Dadku inay diinta Ilaahay ku kalsoonaadaan, oo aanay ka leexin  duufaanada iyo dareenada Shaydaanka, Maalka, Awlaada, waa sababaha lagu helo gargaarka Alle.

dirir

Khudbadii Jimcaha maanta  oo Sheekh Dirir kaha hadlayey asbaabaha lagu helo gargaarka Alle ayuu ku bilaabay: “Aduunyadu waa meel dadku way ku imtixaaman yihiin, dhibkaasina waxuu u badan yahay dadka Muslimka, dhibkaasi mid dabiici ah oo Ilaahay ku ridday wuu noqdaa, mid iyagu (muslimiintu) sabab u yihiin iyo mid cadowgoodu sabab u yahay, intaba, waxaynu uga baahan nahay Ilaahay inaan gargaar ka helo, si uu inooga saaro.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in gargaarka Ilaahay een u baahan nahay waxuu leeyahay sababo lagu helo, waxaanu yidhi,“Shareecada Ilaahay oo la hirgeliyo. Ilaahay markuu ummada abuuray kitaab ayuu soo raaciyey ay ku dhaqmaan, si dhibaatada uga baxaan. Kolay dadku shuruuc kale ayey adeegsadaan kala-haga, markaa inay sharciga Ilaahay qaataan oo ku dhaqmaan.”

Diinta Ilaahay oo loo hiiliyo ayuu sheegay Sheekh Maxamed inay ka mid tahay sababaha lagu helo gargaarka Alle, waxaanu yidhi,

“Ilaahay waxuu quraanka ku sheegay, “Hadaad u hiilisaan Ilaahay, wuu idiin hiilinayaa” u hiilinta Ilaahayna waa in hadyada weyn ee xagiisa ka timi Kitaabkiisa lagu dhaqmo.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ku sugnaanshaha diinta Islaamka ka mid tahay sababaha nasriga Alle lagu helo, waxaanu yidhi,

“Dadku inay diinta Ilaahay ku kalsoonaadaan, oo aanay ka leexin  duufaanada iyo dareenada Shaydaanka, Maalka, Awlaada, waa sababaha lagu helo gargaarka Alle. Dadku inta ay aduunyada joogaan imtixaan ayaa la marinaya, inta imtixaanka gudubta ayaa amaantiisa iyo abaalmarintiisa helaya.

“Ilaahay waxuu leeyahay ha moodina in Jannadu iska dhowdahay oo gedaanka laga qaadanayo, ila aaad martaan dhib adag sidii ummadahii hore u mareen, ilaa ay cawdeen oo calaancaleen Rasuulka iyo intii la socotay, oo yidhaaheen Ilaahay Gargaarkiisii Mee? Ilaahayna waxuu yidhi “Nasrigaygu wuu idiin dhow yahay hadii aad sababtiisa la timaadaan. Wakhtiga adag iyo xilliyada fitnada waxaynu kaga bixi karnaa, inaan dadku Diinta saluugin, balse ay xejistaan.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in sababaha lagu helo ggargaarka Alle ka mid tahay in dadku sharaf iyo cisiga ka raadiyaan diintooda, waxaanu yidhi,

dirir

“Cisiga iyo sharafta ummada islaamku waxay ku heshay diintooda, waxa muhiim ah inay halkaa ka raadiyaan. Nabigu NNKH isagoo qofka muslimka ah la talinaya waxuu yidhi, “Ogow sharafta qofka muslimka inay ku jirto cibaadada habeenkii, cisigiisuna waxuu ku jiraa inuu dadka ka maarmo.” Hadii ummada islaamku dad shisheeye ah ku tiirsan yihiin cisi ma haystaan, ayuu inoo sheegaya Nebigu NNKH.

“Cumar Binu Khadaab oo kormeeraya dhulkii muslimiintu xoraysay ee Shaam oo saxaabiga Abii Cubayda madax ka ahaa ayuu soo maray iliilad biyo socdaan, markaa ayuu intuu kabahii sudhay ushiisa oo degta saartay, hashiina hogaanka qabsaday cago-cadaan kaga talaabay.

Saxaabigii  Abi Cubayda ayaa yidhi, ‘Sidaa si ka fiican ayaan jeclaa inaad samaysid, adigoo Madaxweynahii Muslimiinta ah oo dhexmaraya dhulkii Gaalada aynu ka xoreynay ay ku arkaan, ilayn dad gaalo ah iyo kuwo Islaam ah way joogane! Cumar RC aad ayuu uga xumaady hadalkii saxaabiga.

Waxuu  yidhi ‘Ahay-aah, muu ahayn ninkii odhan lahaa hadlaka adiga, Abi Cubaydow ereygaaa? Markaa Cumar Binu Khadaab hadalkiisii dhaxalgalka noqday ayuu yidhi, “Waxaynu ahayn qoom dadka ugu dulisan, Ilaahay waxuu innagu ciseeyey diinta Islaamka, Mar kastoo cisiga aynu ka raadino meel aan islaamka ahayna, Ilaahay wuu inna dulaynayaa! Cisiga dhar la gashado, borotokoolaad iyo isgiijin laguma helo, ee diinta oo lagu dhaqmo ayaa lagu helaa.

La soco qeybta labaad insha alaah.

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...