Wednesday, November 25th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Saldhiga Milateriga Turkiga Ee Muqdisho Oo Xadhiga Laga Jaray

Published on September 30, 2017 by   ·   No Comments

Muqdisho  (SDWO): Raysal  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khare ayaa xarigga ka jaray Saldhigga Millateri ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu tababari doono Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

unnamed (21) unnamedunnamed (8) unnamed (9)

Waxaana Munaasabadda Furitaanka ka qeyb galay Taliyaha guud ee Ciidanka Turkiga, masuuliyiin ka tirsan dawladda, Safiirada Beesha Caalamka iyo saraakiil sare oo ka socotay labada dal.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, ayaa sheegay ka sakow dhismaha xaruntan casriga in marka la tababaro askarta ay dawladdu Turkigu u raacin doonto qalabeyn, taasoo uu uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga.

Taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay inay garab siiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo yeelato Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ammaanay taageerada hagar la’aanta ah ee Turkigu ay mar walba la garab-taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay inay qiimo weyn ugu fadhido Soomaaliya. Wuxuna u mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Turkiga oo u yimid furitaanka saldhiggan loo dhisay qaabka casriga ah.

unnamed (12)

“Waxaa jiray waqti uu dalkeenu lahaa Ciidanka ugu fiican Afrika, waxaa jirey xili ciidankeenu ahaayeen libaaxyada Afrika. Markaas iyada ah waxaa gacanta ku hayay saraakiil Soomaaliyeed, maantase waxaan halkan u taagan nahay dib-u-yagleelidda ciidankii ahaa libaaxyada Afrika”ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay mareyso meel ay dib uga soo kabanayso collaadii iyo dagaalkii sokeeye. Iyadoo xiligani lagu socdo jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada. Waxaanu yidhi “Maanta wuxuu dalkeenu ku socdaa jidkii horumarka iyo dhismaha ciidanka, si taas loo xaqiijiyana waa in la helaa ciidan Soomaaliyeed oo u taagan difaaca qaranimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, dugsigana wuxuu qeyb ka yahay horumarka aan higsanayno ee lagu dhisayo ciidankeena”.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu tilmaamay si looga guuleysto faqriga iyo argagixisada in maanka lagu hayo dhismaha ciidanka iyo la dagaalanka Musuqa iyo kamid ah meelaha muhiimka si looga soo kabto dhibaatadii ka dhalatay dagaalka sokeeye.

unnamed (6)

“Dugsigani wuxuu noo leeyahay muhiimad, waayo waa tallaabo muuqata oo loo qaaday dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka. Halkan waxaa ku diyaarsan qeybtii ugu horeysay ee ciidan Soomaaliyeed oo ka kala yimid guud ahaan qeybaha dalka, Waa inaad ogaataan askari walba oo halkan jooga inuu matalayo Soomaaliya ee uusan qabiil iyo deegaan gaar ah mataleyn”. Ayuu yidhii R.W Khayre.

Waxaanu   uga mahadceliyey dawladda Turkiya iney Soomaaliya ka hirgelisay saldhiggii iyo Safaaraddii ugu weynayd ee ku yeelato meel ka baxsan dalkooda.

Daawo  Sawirrada:

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed (21) unnamed

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...