Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Siilaanyo Oo Wareegto Ka Soo Saaray Adeegsiga Hantidda Qaranka Ee Xiliga Ololaha Doorashadda

Published on September 30, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa wareegto madaxweyne ku dhaqan geliyay saddex qodob oo la xidhiidha xiliga ololaha doorashadda madaxtooyadda oo la filayo in ay dhawaan dalka ka bilaabanto.

22089465_1426649824115533_78692637573713429_n

Taasoo  lagu socodsiiyay  wasiirrada, badhasaabyadda goboladda, madaxda hay’adaha dawladda iyo komishanka doorashooyinka.

Saddexda  arrimood ee  ugu muhiimsanaa Wareegtadan uu maanta soo saaray madaxweyne Siilaanyo   waxay kala yihiin, reebanaanta u adeegsiga hantidda qaranka ololaha xisbiyadda, istcimaalka warbaahinta dawladda iyo gacan siinta gudiga doorashooyinka.

Wareegtadaasi oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay shebekadda wararka ee SDWO waxa uu u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/P/WM/ -50 /092017 uu ku dhaqan geliyey saddexdan arrimood:

  1. Reebbanaanta U Adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada,
  2. Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo Fagaareyaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada iyo 3. Gacan Siin Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Reebbanaanta U Adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada

Ku: Golaha Wasiirrada JSL Hargeysa

Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada JSL Xarumahooda

Ku: Guddoomiyeyaasha Degmooyinka JSL Xarumahooda

Ku: Madaxda Hay’adaha Dawladda ee Madaxa Bannaan Xarumahooda

Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Hargeysa

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh doorashada Madaxtooyada oo u qorshaysan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, waxa reebban in hantida qaranka nooc kasta oo ay tahay ba in loo adeegsado ololaha doorashada ee axsaabta qaranku ay ku loolamayaan.

Waxa kale oo reebban in Shaqaalaha Dawladda, Saraakiisha iyo Xubnaha Ciidammada ee kala duduwani, in ay galaan ololaha doorashada ee axsaabta qaranka.

Waxaan rajaynayaa in amarkaasi oo sidiisa u fulo. Cid kasta oo baal martana, waxa laga qaadi doonaa tallaabo ku habboon oo sharciga waafaqsan.

 Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada

Ku : Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Hargeysa

Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka JSL Xarumahooda

Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Hargeysa

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, aniga oo ka duulaya Qodobka 26aad ee Xeer Lr. 20-2/2005, iyo Xeerka Hab-dhaqanka ee Xisbiyada oo faraya in Xisbiyada Qaranka u sinnaadaan muddada ololaha doorashada isticmaalka warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha khayriyadda.

Waxaan idin farayaa, idinkuna adkaynayaa in loo sinnaado muddada baahinta (hawo kujiridda) ee Idaacada Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeysyada Dawladda, isla markaana si isku mid ah loo adeegsado fagaarayaasha khayriyadda ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan mar labaad, idin farayaa in aad dhaqan gelisaan shaxda qoondaynta ololaha ee saddexda xisbi qaran iyo sii deynta barnaamijyada ololaha doorashada ee ay soo saarayaan Komishanka Doorashooyinka, si loo helo in dalka ay ka qabsoonto doorosho xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.

 Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Gacan Siin Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ku: Golaha Wasiirrada JSL Hargeysa

Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada JSL Xarumahooda

Ku: Taliyeyaasha Ciidammada Xarumahooda

Ku: Guddoomiyeyaasha Degmooyinka JSL Xarumahooda

Ku: Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan Xarumahooda

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh Doorashada Madaxtooyada oo u qorshayan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, idinka oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda aad qaranka u haysaan, waxa la idin farayaa in aad ka gacan siisaan Komishanka Dooraashooyinka Qaranka gudashada waajibaadka qaranka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada Madaxtooyada, idinka oo raacaya shuruucda iyo xeerarka Dalka u dejisan.

Waxaan mar labaad, idinku adkaynayaa in aad gacan buuxda ka siisaan Komishanka heerarkiisa kala duduwan ee qaran, gobol, degmo iyo goob kasta, kana digtoonaataan wax kasta oo u muuqan kara fara-gelin, una diyaarisaan goobaha ay u baahan yihiin sida Dugsiyada, Xannaanooyinka, Goobaha Dawladda ee ay u baahdaan.

Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka, waxa si gaar ah loo farayaa in ay ka gacan siiyaan Komishanka heer Gobol, heer Degmo iyo heer goobeedba, hawlaha nabadgelyada iyo xasilinta amniga, muddada doorashadu socoto ka hor iyo kadib, iyaga oo ahmiyad weyn iska saaraya arrimaha keeni karaya nabad-gelyo darrada.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...