Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday Ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Abaarso Tech

Published on October 4, 2017 by   ·   No Comments

Hargeysa(SDWO):Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyay 58 arday oo ka qalin jebiyay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Abaarso Tech ee magaaladda Hargaysa.

abaarso

Munaasibad balaadhan oo ka qabsoontay Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa oo ay  goob joog ka ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, gudoomiye ku xigeenka xisbil xaakimka kulmiye Md. Maxamed kaahin Axmed, Agaasimaha guud ee tacliinta sare Dr. Yuusuf Cali Ardo, waalidiin iyo Siyaasiyiin.

Waxaan  ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha jaamacada Abaarso tech Dr. Axmed Xuseen Ciise isagoo ka warbixiyay kuliyadaha jaamacada iyo doorka jaamacada Abaarso tech ee horumarinta waxbarashada wadanka.

Sidoo  kale waxa halkaasi khudbado ka jeediyeen masuuliyiintii ka soo qaybgashay xaflada qalin jebinta iyagoo u hambalyeeyey dhalinyartii halkasi ku qalin jibiyey maanta.

Ugu danbayn waxa munaasibada soo afmeeray Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Jamhuuriyada Soomaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil (Saylici), oo ardaydaasi shahaadooyinka gudoonsiiyay ayaa ugu horayn  hambalyo u diray Ardayda ka qalin Jabisay Jamaacada Abaarso Tech.

Waxaanu  xusay inay Aqoontu tahay shayga keliya ee lagu horumari karo islamarkaana dalku u baahan yahay dhalinyaro aqoon leh.

C/raxmaan   Saylici, waxa kaloo uu  xusay in  Xukuumadda uu Madaxweye ku xigeenka ka yahay islamarkaana ka dhalatay Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ay dalka wax badan ka qabatay mudadii ay talada waddanka hayeen.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Hadalkiisa waxa kamid ahaa “ Jaamacada guud ahaan waan hambalyaynayaa maamulkeeda, Gudoomiyeheeda iyo macalimiinteeda waxaan kaloo hambalyaynayaa waalidiinta kusoo tabcay ubaxan maanta horteena fadhiya waxaan leeyahay waa maalintiinii waa maalin  aad mudantihiin in la idinla debaal dego.

Waa  maalin aad mudan tihiin in wakhti la idiin huro aad iyo aad ayaan idiin hambalyaynayaa Hambalyo Hambalyo.” Ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan  Saylici.

abaarso

Gebagebadii  Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii kaalmaha hore  ka galay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu ka kooban tahay.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.