Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiyaha UCID Oo Wasiirro Hore Ku Eedeeyay In Ay Buun-buuniyeen Dhacdadii Dugsiga Sheekh Cali Cismaan

Published on October 4, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,  ayaa cadeeyay in xubno hore wasiirro uga soo noqday   dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland soo maray ay doonayaan in ay hadda xukuumadda  ku ceebeeyaan dhibaatooyinkii ay iyagu dhigeen.

fayl

Waxaanu ku sifeeyay xubnahaasi in xiligii ay wasiirrada ahaayeen in ay bulshadda u muujin jireen in ay dalka jecel yihiin, balse markii xilka laga qaaday ay bilaabeen in xukuumadii ay ka tirsanaayeen ay  eedo uga dhigaan foolxumooyinkii ay  dalka iyo dadkaba u gaysteen.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay kadib markii  uu  maanta  booqday soona kormeeray  dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Cali Cismaan,  ee magaaladda Hargaysa oo  shalay ay rebshad kooban oo la xidhiidhay in dugsiga la iibiyay  ka dhacday.

IMG_9F9E70-53CE38-5D0F55-AF629A-1598D0-331FF8

Hase yeeshee Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in arrintaasi la majarro habaabiyay, isla markaana xubno siyaasiyiin ah iyo warbaahintu ay si qaldan u dhigeen arrintaasi. Isagoo u jeediyay saxaafadda Somaliland in ay  ka digtoonaadaan buun-buuninta wararka aan la hubin ee bulshadda lagu jaho-wareerinayo.

Guddoomiyaha UCID waxa kaloo uu tilmaamay  in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in dugsigaasi Riis la iibiyay, balse  mudaharaadkii iyo rebshadii doraad ka dhacday iskuulkaasi ay tahay mid la xidhiidha arrimo dhul, taasina  ay masuul ka tahay dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa.

 

HALKAN DAAWO:

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.