Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Gudiga Anshaxa Doorashooyinka Oo Ganaax Lacageed Ku Xumay Xisbiga Waddani

Published on October 4, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Gudiga ilaalinta anshaxa doorshooyinka ee Somaliland ayaa ganaax lacageed oo dhan 5o kun oo  milyan oo shillin Somaliland ah ku ganaaxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaasoo lagu eedayay in uu ku xad gudbay xeerka anshaxa doorashadda.

Kadib markii sida ay sheegeen uu xisbigaasi olole sharci darro ah dhawaan ka sameeyay degaamo ka tirsan gobolka Hawd, iyadoo markaa maalmo yar uun laga joogay xiligii ay xisbiyadda iyo komishanka doorashooyinku kala saxeexdeen xeerka anshaxa doorashooyinka.

Sida lagu sheegay  qoraal saxaafadda loogu tallo galay   oo ay soo saareen gudiga anshaxa doorashooyinka, oo nuqul ka mid ah uu  na soo gaadhay, ayaa lagu xusay in xisbiga Waddani hore loogu digay balse uu ka dhego adaygay.

Sidoo kale gudiga ilaalinta anshaxa doorashooyinka ayaa mar labaad digniin kale u diray xisbiga Waddani oo ay ugu baaqeen in uu ka fogaado ficiladda ama waxyaabaha ka baxsan   xeerka ay ku heshiiyeen xisbiyadda siyaasadda iyo gudiga anshaxa.

qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

22236414_1504788646268205_1617496245_n

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.