Tuesday, October 17th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Daawo: Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Addis Ababa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Qaabilay iyadoo lagu soo galbiyey mootooyinka wuftuuda gelbisa

Published on October 9, 2017 by   ·   No Comments

Addis Ababa (SDWO):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, ayaa meeqaam heer sare ah oo diblumaasiyadeed loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa.


22282022_954199381384816_2661300882659463296_n22279949_954199264718161_6398105113006081295_n

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa oo gaadhay magaalada Addis Ababa shalay galab, ayaa madaarka diyaaradaha ee caasimadda Itoobiya lagaga galbiyey gaadiidka loogu talogalay in lagu qaado diblamaasiyiinta maamuuska sare leh, iyadoo markiiba uu gudo galay hawlaha shaqo ee uu u tagay halkaasi iyo kulamo kala duwan oo uu la qaatay madax ka tirsan dawladda Itoobiya.

Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu oo wadahadal ay yeesheen ay ku falanqeeyeen qodobo ay ka mid yihiin; jaar-wanaagga, xoojinta arrimaha iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo sidii loo sii adkayn lahaa wadashaqaynta xoojinta ammaanka labada dhinac iyo guud ahaan gobolkaba, kuwaas oo ay si fiican iskugu afgarteen.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE waxa weftigiisa xubno ka ah Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasi Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha gaarka ah ee Murrashaxa KULMIYE Mr. Mubaarik Ismaaciil Taani.

22282022_954199381384816_2661300882659463296_n 22310189_954199558051465_385700650003607340_n 22366464_954199058051515_2855337966864265355_n (1) 22366464_954199058051515_2855337966864265355_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.