Tuesday, October 17th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Gudida Dooroshooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay tiradii kamadanbaysta ahayd ee qaadatay kaadhadhka codbixinta doorashada 13ka November

Published on October 10, 2017 by   ·   No Comments

Gudida ayaa shaacisay iyadoo ay hore isku diiwaangeliyeen 873,331 in tirade kaadhadhka dalkoo dhan qaatay at tahay 704,089.   Waxa halkaas dadkii isdiiwaangeliyay aan kaadhadhka qaadan oo aan codeyndoonin 169,242 codbixiye.     Gobolada Maroodi jeex iyo Awdal ayaa noqday kuwa ay dadkii ugu badnaa aanay qaadan kaadhadhka codbixinta.  Gobolka Maroodijeex ayey hore iskaga diiwaangeliyeen 312,634 laakiin waxa hada kaadhadhkii qaatay oo keliya 249,229 halkaasi waxa gobolka maroodijeex ka lumay 63,405 codbixiye.   Gobolka awdal ayaa isagana waxa markii hore iska diiwaan geliyey 147,031 halka ay imika kaadhadhka qaateen 102,471, halkaasi gobolka awdalna waxa ka lumay 44,650 cod bixiye.   Gobolka Togdheer isna waxa iska diiwaangeliyey 178,506 waxa kaadhadhka qaatay 147,440 halkaasina waxa ka lumay 31,066 cod bixiye.   Gobolka Saaxil waxa iska diiwaangeliyey 78,842 waxa kaadhadhkii qaatay 60,817 waxa ka lumay 18,025 codbixiye, Gobolka Sool waxa iska diiwaangeliyey 70,096 waxa kaadhadhkii qaatay 63,398 waxa ka lumay 7,698 cod.  Gobolka Sanaag waxa iska diiwaangeliyey 85,222 waxa kaadhadhkii qaatay  80,334 waxa ka lumay 4,888 cod bixiye.   Dhinaca kale Gobolka Sool ayey taariikhdu xusidoontaa isagoo markii u horeysay tirade ka codaynaysaa ay ka badantahay tirade ka codaynaysa gobolka Saaxil.

codbixiyaal2 codbixiyaal1

 
,, ,,,.