Tuesday, October 17th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Cirro Oo Socdaal Kedis ah Ugu Baxay Ethiopia

Published on October 10, 2017 by   ·   No Comments

Hargeysa(SDWO):-Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo, ayaa galabta socdaal ugu baxay dalka Itoobiya, ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay rasal wasaaradaha dalkaasi Mr.Hailemariam Desalegn.

unnamed (3)

Socdaalkan Murashax Cirro, ayaa waxa ku wehelinaaya hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weli ba Pro.Maxamed Alla-bari oo isna ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI.

unnamed

Xoghayaha  arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo sida oo kale madaxa hawl-wadeenada shaqaalaha ee Murashax Cirro Aqoonyahan Baashe Yuusuf.

unnamed (1)

Murashax Cirro iyo weftigiisa, ayaa la filayaa in ay dalkaasi ku maqnaadaan muddo dhowr cisho ah, waxaana la filayaa in halkaas ay kulamo khaasa kula qaadan doonaan raysal wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Mr.Hailemariam Desalegn iyo madax ka tirsan dawladdiisa.

unnamed (2)

Kuwaasoo  ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo khuseeya dhinacyada Somaliland iyo Itoobiya iyo weli ba sida oo kale doorashooyinka fooda ku soo haya Somaliland.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.