Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Culimadda Oo Xisbiyadda Ugu Baaqay In Ay Wax Ka Bedelaan Nidaamka Ay Ololaha U Wadaan

Published on October 29, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Culimaw-diinka Somaliland ayaa baaq ka soo saaray qaabka ay xisbiyadda siyaasadu u wadaan ololaha loogu tartamayo doorashadda madaxtooyadda, waxaanay soo jeediyeen in wax laga bedelo siday haatan u wadaan ololaha.

CK kkkccccc

Qaar ka mid ah culimadda dalka   oo   maanta kulan kula yeeshay komishanka doorashooyinka xaruntoodda  magaaladda Hargaysa ayaa ugu baaqay komishanka  in ay xisbiyadda u gudbiyaan sidii loo khafiifin lahaa nidaamka ololuhu u socday maalmahan.

Waxaanay  culimadu kulankaasi ka akhriyeen war-murtiyeed  ay sheegeen in ay isla soo gaadheen, kaasoo ay kaga  codsadeen in la soo saaro tallaabooyin lagu xakamaynayo  hanaanka anshaxa ka baxsan ee fasahaadka ah  ay xisbiyadu ololaha u wadaan,  iyadoo laga hor tegayo si  aanay u dhicin  waxyaabo nabadgelyadda waxyeelaya.

Sidoo kale waxaa kulankaasi oo komishanka doorashooyinku la yeesheen culimaw-diinka dalka ayaa waxa goob joog ka ahaa  wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha, masuuliyiinta laamaha amaanka qaranka, masuuliyiin iyo saraakiil kale oo ka socday laamaha amaanka.

 

Daawo Warkaasi:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.