Saturday, November 28th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Hadaladda xajiinta leh ee ay musharaxiintu is dhaafsanayaan wuxuu dhaacayaa sumcadda Somaliland iyo nidaamka dimoqraadiyadda ee”… wasiirka arrimaha dibadda

Published on October 29, 2017 by   ·   No Comments

Hargeysa(SDWO):  Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr.  Sacad Cali Shire,  ayaa sheegay in hadaladda dhalliilaha  iyo  xajiimaysta ah  ee ay  is dhaafsanayeen musharraxiinta  madaxtinimada ee xisbiyada qaranku ay dhaawici karto sumcadda Somaliland.

sacad

Waxaanu  sheegay in arrintaasi ay dhaawacayso  hannaanka doorashooyinka  iyo itiraaf raadinta dalka, isla markaana  looga fadhiyo  hogaamiyeyaasha xisbiyadda in ay bulshadda ku kasbadaan barnaamjiyadoodda siyaasadeed iyo waxyaabaha ay ka qaban doonaan duruufaha nololeed ee bulshadda haysta.

Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa tilmaamay in aanay kala fogaynta bulshadda oo keliya saamayn ku yeelanaynin hadaladda qalafsan ee ay is waydaarsadaan musharaxiinta xisbiyadu, balse ay hoos u dhigi karaan geedi socodka aqoonsi raadinta Somaliland.

“Waxaa la inagu ammaana nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, waxaa la inagu ammaana hab-wanaagii ay inoogu dhaceen doorashooyinkii faraha badna ee aynu soo marnay,  oo si wanaagsan inoogu socday.   Laakiin, hadda  waxaad mooddaa in hadal xajiimayn iyo xanaf leh  uu jiro oo aad moodo In quruxdii iyo wanaaggii aynu ku kasbanay     hadda siday wax inoogu socdeen wasakheeyay oo uu saameeyay.

Cayda, dhalleecaynta iyo ceebayntu cod ma keenaan. Cadaawad uun bay keentaa, cadaawadduna burbur uun bay keentaa ee waxba ma dhisto.  Waxaa  loo baahan yahay in siyaasiyiintu ay ka fogaadan wax allaale wixii colaad iyo kala fogayn dhexdeena ku abuuri kara ee wax yeeli kara geeddi socodka itiraafkeena iyo horumarkeena”ayuu yidhi Dr. Sacad oo maanta  u waramayay warbaahinta qaranka.

 

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa   uu taxay dhibaatooyinka nololeed ee haysta bulshadda  Somaliland   ee u baahan in wax laga qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, biyaha, waxbarashadda iyo caafimaadka.

Isagoo arrimahaas faahfaahinayayna waxa uu yidhi  “Dhibaatooyin badan baa jira oo u baahan in wax laga qabto oo lagala hadlo dadka. 70% dadkeenu waa bilaa camal, carruurteena 50% waxba ma bartaan oo iskuul ma tagaan, dadkeena 50%  waxna ma qoraan waxna ma akhriyaan.

Carruurteena  dhalata 10-kiiba mid baan gaadhin 5 jir, umul raaca waxaynu caalamka ka nahay lambarka  kowaad, dadkeena 50% in ka yar ayaa biyo nadiif ah hesha.  Markaa   dhibaatooyinkaas oo dhan baa u baahan in laga hadlo oo cid walba (musharaxiinta)  waxay ka qabanayso dadka u bandhigto”  ayuu yidhi wasiir Sacad.

dr sacad

Wasiirka ayaa intaas ku daray in xisbiyadu ku eekaadan sharraxidda barmaamijyadooda wax qabad laakiin, aanay xajiimayn u bandhigin bulshada.

“Arrinkaasi wuxuu dhaawacaya geedi socodka itiraafkeena. Doorashooyinkeena caalamka oo dhan baa isha ku haya. Guulo badan baynu ka soo hoynay ilaa hadda.

Dooddii  maalintii dhawayd ugub bay ku ahayd gobolka,  haddii aanay Afrika-ba ku ahayn, waa tusaale wanaagsan oo ka mid ah tusaaleyaasheenii hore”ayuu yidhi wasiirka khaarejiga Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...