Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Daawo: Somaliland Oo Markii U Horaysay Laga Hirgeliyay Qalabka La Socodka Saadaasha Hawadda

Published on October 29, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii u horaysay ku guulaysatay  in ay yeelato qalabka lagula socdo saadaasha hawadda, kaasoo maanta  si tijaabo ah ay shaqadiisu u bilaabantay kadib markii  rakibaadiisu ay muddo ka socotay garoonka diyaaradaha Hargaysa.

2O6A4722 2O6A4481

Qalabkani ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid aad u casriya oo lagula socon karro hadba sida uu yahay xaalka is-bed-bedelka cimiladda ee guud ahaan dhulka Somaliland Badd iyo beriba, isla markaana looga faa’iidaysan karro sidii loo heli lahaa macluumaadyo kale oo la xidhiidha arrimaha saadaasha hawadda.

Waxaana qalabkani dawladda Somaliland ku caawiyay urur goboleed IGAD, iyadoona shalay la bilaabay hawshiisa tijaabadda ah. kaasoo qayb ka ah mashruuca loo yaqaano  Mesa oo ah mashruuc ay wadamadda Afrika oo dhan  ku bahoobeen oo lagaga shaqeeyo  sidii cimilada loola socon lahaa.

2O6A4522

Munaasibad kooban oo loo qabtay dhamaystirka qalabkan la socoshadda saadaasha hawadda oo maanta  lagu qabtay xarunta wasaaradda duulista ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa wasiirka duulista, agaasimaha waaxda saadaasha ahwadda  iyo xubno isugu jiray injiineero iyo khubarro qalabkan rakibay oo ka kala socday IGAD iyo hay’adda ICAO.

Agaasimaha  waaxda Cimilada ee wasaaradda duulista Somaliland C/rashiid Cali Xadi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay qalabkani iyo  hawsha ugu muhiimsan ee  looga faa’iidaysan doonno.

Sidoo kale Mr. John Asayo, oo ahaa sarkaal ka socday urur goboleedka IGAD kana mid ahaa khubaradii ka shaqaynayay rakibaadda qalabakani  ayaa dawladda Somaliland uga mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee ay ugala shaqeeyeen rakibaadda qalabkani. Waxa kaloo uu masuulka ka socday IGAD ka sheekeeyay qalabakan iyo nooca  hawsha uu qaban doono.

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka  Somaliland Farxaan Aadan haybe, oo hadal ka jeediyay xafladii daah furka qalabkaasi  ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay qalabkani, isla markaana uu wax badan ka tari doono in si fudud loo ogaado xaaaladaha hawadda gobolka.

Farxaan Haybe, ayaa  u mahad celiyay urur goboleedka IGAD oo qalabkani ku caawiyay Somaliland  iyo hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan la socodka saadaasha hawadda ee ICAO  oo gacan ka gaysatay in  qalabakan loo rakibo.  Waxa kaloo uu wasiirku sharaxaad ka bixiyay baahiyaha   kala duwan ee ay doonayaan in qalabkani wax lagaga qabto oo looga faa’iidaysto.

C/rashiid Cumar Jaamac,  oo ka socday hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan maamulka hawadda ee magaceedda loo soo gaabiyo  ICAO oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan cusubi  faa’iido u leeyahay dalka Somaliland.

Daawo Hadaladii Masuuliyiintaasi:

2O6A1748 2O6A1752 2O6A4481 2O6A4482 2O6A4485 2O6A4491 2O6A4493 2O6A4494 2O6A4507 2O6A4509 2O6A4519 2O6A4522 2O6A4524 2O6A4722 2O6A4725 2O6A4726

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.