Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Hay’adda Nabadda iyo Is-dhexgalka Bulshadda Ee Yemen

Published on October 30, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa(SDWO):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa  maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sarre oo ka socday hay’adda nabadda iyo isdhex-galka bulshadda ee dalka Yemen.

22814444_1452034798243702_981007132551252356_n

Weftigani  ayaa madaxweynaha Somaliland ugu  yimid sidii wanaagsanayd ee ay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland usoo dhaweeyeen qaxoontigii ka soo qaxay dalka Yemen ee yimid Somaliland.

Waxaanay  madxweynaha gudoonsiyeen shahaado sharaf ay ugu magac dareen shahaadada nabadda iyo horumarinta iskaashiga dunida.

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed,  ayaa sheegay in waftigani si weyn ugu faraxsanyihiin qaabilaada wanaagsan ee ay kala kulmeen madaxwayne, Axmed Maxamed Siilaanyo.

safir

Waxaanu  yidhi “Waxay waftigani ugu yimaadeen Madaxweynaha inay uga mahad celiyaan sidii wanaagsanayd ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo dhawaysay qaxoontiga yemen ka soo bara-kacay, waxaanay madaxweynaha siiyeen shahaado sharaf la yidhaahdo shahaadada nabadda iyo soo dhawaynta, aad baanay ugu farxeen sidii wacnayd ee aynu u qaabilnay dadkaasi yemeniyiinta ah mudadii ay halkan joogeen.

Iyagoo  ku tilmaamay in aanay dareemayn inay meel kale joogaan waxaanay u arkayeen dad dalkoodii oo kale jooga, taas ayay ugu yimaadeen madaxewynaha” ayuu yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Yemen”.

3333

Dhinaca kale guddomiyaha hay’adda Nabadda iyo horumarinta bulshada ee dalka Yemen ahna hogaamiyaha watay waftigani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha Somaliland  sida wanaagsan ee uu u soo dhaweeyay qaxoontigii tiradda badnaa ee ka soo jeeday dalkooda.

Isagoona  sheegay in ay Yemeni ay abaal weyn u hayso Somaliland. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi  “Xaqiiqdii waxaannu madaxweynaha sharafta leh ugu mahad-naqnay sida wanaagsan ee lanoo marti sooray iyo qalbiga wanaagsan ee uu nagu qaabilay.

Sidoo  kale waxaanu u mahad naqaynaa Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland daryeelka iyo sharafta aannu kala kulanay, taasina maaha wax ku cusub shacbiga Somaliland balse waxa jira xidhiidh dheer oo hore, kaas oo isku kaayo xidha, oo ah xidhiidh walaalnimo, xidhiidh jaar-nimo, iyo xidhiidhka qoys kaliya ayaa naga dhaxeeya annaga iyo Somaliland”.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxaannu ka mahadnaqaynaa taageerada Xukuumadda Somaliland ay siiso jaaliyada Yemen, hadii aannu nahay hay’ada Jacaylka iyo nabadda bulshadda, waxaanu Jamhuuriyadda Somaliland u aragnaa dal nabad iyo jacayl ku dhisan, waxaanu Madaxweynaha sharafta leh, Allaah ha xafidee gudoonsiinay shahaadada nabadda iyo Jacaylka, taas oo salka ku haysa dadaalkiisa iyo go’aamadiisa bini-aadamnimo ee uu qaatay gaar ahaan dadka Yemaniyiinta ah.

22851935_1452036834910165_3851679500208348945_n

 

Markii ay dalal badani albaabadooda ay xidheen wakhtigii colaadii iyo dagaalkii Yemen ka dhacday, Somaliland waxa ay ahayd xudunta dalalkii na qaabilay, waxaanay ahayd dalkii koowaad, sida Jamhuuriyadda Jabuuti oo kale”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda nabadda ee Yemen.

22851847_1452034911577024_7050394289943828695_n

Ugu danbayn  weftigani ayaa Madaxweynaha guddonsiiyay shahaado sharaf ay sheegeen inuu madaxwaynuhu ku mutaysatay qaabiladii quruxda badnayd ee uu u fidiyay dadka qaxoontiga ah ee reer yemeneed.

DAAWO Sawirrada :

1 12 111 3333 22222 22789126_1452035571576958_1878843107588203844_n 22814054_1452036048243577_494930207677248043_n 22814274_1452036864910162_6483322889729830545_n 22814376_1452037104910138_8547550735201272506_n 22814444_1452034798243702_981007132551252356_n 22815251_1452037394910109_2674788507085748581_n 22815435_1452037478243434_8639688158229086639_n 22851847_1452034911577024_7050394289943828695_n 22851935_1452036834910165_3851679500208348945_n 22852087_1452036718243510_458090533114112815_n 22886307_1452036531576862_7557766864758657866_n 22893958_1452036004910248_2875368375066483569_n safir

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.