Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Daawo: Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo si balaadhan loogu soo dhoweeyay Magaalada Berbera

Published on October 31, 2017 by   ·   No Comments

Taageerayaasha xisbiga midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE ee magaalada Berbera, ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay KULMIYE u hayaan ku qaabilay maalinta afraad ee ololaha xisbiga KULMIYE.

Berberakul22
Isu soo baxyadan oo ahaa qaar indhaha soo jiitay, ayaa waxa taageerayaasha kala qaybgalay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaanno, siyaasiyiin, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan degmada Berbera iyo guddida ololaha ee gobolka Saaxil, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhoolla-tuska reer Berbera, isla markaana lagu guubaabiyey inay siii libin-laabaan taageeradooda.

Berberakul11
Xubno bulshada dhexdeeda miisaan ku leh oo ay kamid yihiin Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Cali Xoor-xoor wasiir Sacad Cali Shire, marwo Rooda Axmed Yaasiin, xildhibaan Siciid Cartan, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obaama, xildhibaan Dable, guddoomiyaha guddida ololaha ee gobolka Saaxil Md. Cabdilaahi Obokor iyo 

xubno kale.

Berberakul20
Shacabka reer Saaxil, ayaa iyaga oo isu duuban muujiyey inay taageero laxaad leh u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana kumanaan katirsan shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo ku lebbisan astaanta xisbiga KULMIYE ay isugu soo baxeen fagaareyaasha kala duwan ee Berbera.

 

Berberakul14

 

Berberakul21
Berberakul19 Berberakul18 Berberakul17 Berberakul16 Berberakul15
Berberakul13 Berberakul12
Berberakul10 Berberakul9 Berberakul8 Berberakul7 Berberakul6 Berberakul5 Berberakul4 Berberakul3 Berberakul2 Berberakul1

 
,, ,,,.