|
Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM | YOUR ARTICLES |
![]() |
---|
Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net
Hargaysa (SDWO): Codbixinta doorashadda madaxtooyadda Somaliland ayaa la filayaa in ay goor dhaw soo geba gebawdo, isla markaana la xidhi doono goobaha codaynta sida komishanka doorahsooyinku u qorsheeyeen.
Gudiga doorashadda Somaliland oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay xaruntoodda Hargaysa ayaa sheegay in sida qorshuhu yahay 6 makhribnimo la xidho doono.
Hase yeeshee goobaha qaarkood haddii ay jiraan dad safafka ku jiraa in wakhtiga loo kordhin doono.
Sidoo kale baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka sida Facebook, Twitter, emo iyo qaar kale ayaa la xidhi doonaa 6 fiidnimo ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijadda doorashadda, sida hore u shaaciyeen gudiga doorashadu.
Taasoo ay ku macneeyeen mid looga dan leeyahay si aanay dadweynuhu baraha bulshadda u soo dhigin ama ugu qorin natiijooyin been abuur ah iyo warar aan xaqiiqo ah oo la xidhiidha natiijadda doorashadda.
Si aanay khal-khal ugu keenin natiijadda doorashadda ilaa inta gudiga doorashadu ku dhawaaqayaan, oo qaadan karta 3 ilaa 4 maalmood.
Dhinaca kale guud ahaanba codbixinta doorashadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa la soo sheegayaa in gebi ahaanba ay dalkoo dhan si weyn uga dhacday, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ilaa ahdda la soo sheegayo.
Tirada codbixiyayaasha la diiwaangeliyay waxay gaadhaysaa 704,089 (todoba boqol iyo afar kun iyo siddeetan iyo sagaal qof).
Goobaha codeynta ee Somaliland ayaa komishanku ku sheegeen 1,642, oo la sheegay in ay yihiin laga soo bilaabo min Lawyacaddo ilaa Taleex. Inkastoo degmooyinka Dhahar iyo Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag aanay hore uga dhicin diiwaangelintu.
Tirada codbixiyaasha rasmiga ah ee gobollada jamhuuriyadda Somaliland hore isaga diiwaanegliyay lana filayo in ay maanta codeeyaan, waxay kala yihiin sidan:
Maroodijeex: 249,229
Togdheer: 147,440
Awdal: 102,571
Sanaag: 80,334
Sool: 63,698
Saaxil: 60,817
SDWO/Hargeisa Office