Saturday, November 18th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Tirinta codadka Doorashadda Oo Bilaabantay iyo Kor-Joogtadda Caalamiga ah Oo Ka Hadlay

Published on November 13, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka  ee Jamhuuriyadda   Somaliland ayaa hadda billaabatay, gaar ahaan goob codaynta.

20171113636461542520810385siilaan

Tirinta codadka ee hadda la bilaabay ayaa ah goob-goob, waxaana  goob kasta shaqaalaha ka hawl gelayay ay isla meesha ku titinayaan.

Kadib-na ay u gubinayaan xarunta heer degmo ilaa heer  gobol, iyadoo marka danbena loo gudbin doona xarunta guud ee komishanka.

Taasoo muujinaysa in xisbi kastaba muraaqibka goobta u joogay uu ogaan karo tiradda codadka xisbigoodu ka helay goobta.

Dhinaca kale iyadoo ay goobaha codbixinta Somaliland soo xidhmeen 6 galabnimo ee caawa ayaa goob joogeyaasha caalamiga ah ee kormeerayay doorashadani waxay sheegeen in ay si naabdgelyo ah u dhacday.

Kor-joogtadan oo ka kala socda  20 wadan ayaa waxaa hoggaaminaya Michael Walls oo ka socda jaamacad ku taalla magaaladda  London, waxaana maalgelineysa dawladda Britain.

Michael Walls, oo saxaafadu waydiisay  sida uu u arko qaabkii ay maanta doorashadu u dhacday ayaa ku gaabsaday in si nabad ah ay u dhacday, hase yeeshee ma cadaynin masuulkani daah-furnaanta iyo in six or iyo xalaal ah ay u dhacday.

Goob joogeyaasha caalamiga ah ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda si rasmiya u shaaciyaan habka iyo hanaanka ay doorashadda Somaliland u dhacday,  maadaama oo ay qiimayn iyo u kuurgelid ku sameeyeen xalaalnimadda iyo xornimadii ay doorashadu u dhacday.

Waxaana la filayaa in warbixinta ay goob joogeyaasha caalamiga ah ka soo saaraan doorashadan ay markhaati cad  uga noqoto Somaliland beesha caalamka si ay ugula gar-naqsato.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Copy Protected by Chetan's WP-Copyprotect.