|
Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM | YOUR ARTICLES |
![]() |
---|
Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net
Sida uu xaqiijiyey Afhayeenka gudida komishinka dooroshooyinka Siciid Cali Muse waxa guud ahaanba la soo afjaray tirintii codadka 1642kii goobood ee ay ka dhacday doorashadu. Sanduuq kaste waxa lagu tirinayey goobtii lagu codeeyay iyagoo ay tirinayeen 4 xubnood oo ka tirsan gudida dooroshooyinka iyo 3 xubnood oo ka kala socda 3dii xisbi ee tartamay. Ka dib warqada lagu qoro xisbi kastaa intuu helo waxa saxeexay 3da xisbi iyo 4 qof ee ka tirsan gudida dooroshooyinka. Ka dib waxa loo soo gudbinayaa degmadii uu sanduuqaasi ka tirsanaa oo waa la hubinayaa, hadana waxa loo soo gudbinaya gobolkii ay hoos imanysay degmadaasi oo hadana lagu hubinaya, ka dib ayaa loo so gudbinayaa xarunta dhexe ee gudida dooroshoyinka ee magalada Hargeysa
Afhayeenku waxa uu sheegay inay badiba soo gaadheen natiijadii codadka iyadoo ay hadhsanyahiin tuulooyin yara durugsan oo iyagana natiijadooda lafilayo ugu danbayn ilaa beri. Afhayeenka ayaa mar la weeydiiyey xiliga ay ku dhawaqayaan natiijada doorashad ayaa ka gaabsaday oo sheegay maalmaha soo socoda in lagu dhawaaqidoono isagoo yidhi horta waa in aau hubinaa inanay wax cabasho ahi jirin.
Dalka oodhan ilaa xalay lagama seexan iyagoo u hanqal taageyey siday cododku iskaga soo daba dhacayeen ee goobgoob loogu tirinayey, hase yeeshee taageeraysha xisbiyada siiba Kulmiye iyo Wadani ayaa qolo waliba dhinacooga ka sheeganaysaa inay iyagu cod dheer ku hogaaminay codadka ilaa hada la tiriyey.
Dadka siyaaasada ka faalooda ayaa iygu isku raacsan inuu kulmiye uu cod dheer oo u dhexeeya 80kun ilaa 100 kun uu kaga guulaysandoono xisibiga mucaaridka ah ee wadani, hadana waxa xaqiiqada la ogaandoonaa uun marka ay gudida dooroshoyinku ku dhawaaqaan xisbiga ku guulaystay tartankii doorashadii dhacday 13ka November 2017.