Saturday, November 18th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wefti Ka Socday Midawga Yurub Oo Kulan La Yeeshay Musharaxa Madaxweynaha Kulmiye

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments

Hargeysa(SDWO): Wefti   isugu jira diblomaasiyiin iyo safiirro oo ka socday ururka midawga Yurub iyo dalal kale ayaa maanta kulan la yeeshay murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.

kulmiyeurope6

Weftigan ayaa Somaliland u yimid sidii u qiimayn lahaayeen   doorashadii madaxtooyada ee shalay ka qabsoontay dalka.

Kulankaasi ay weftigu la yeesheen  murrashaxa madaxweynaha KULMIYE  waxaa ku wehelinayay  saraakiil xisbiga ka tirsan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere,  Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kale.

kulmiyeurope5

 

Kulankaasi  oo ka qabsoomay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta waxa uu la qaatay xubno safiirro iyo diblomaasiyiin isugu jirta oo ka socota dalalka Norway , Sweden, Belgium, Switzerland, Netherland, UK,  Denmark, Finland iyo xafiiska Midowga Yurub.

kulmiyeurope3

Waxaanay  dhinacyadu kulankooda diirrada ku saareen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhawridda ama sugidda natiijada doorashada madaxtinimada dalka ka qabsoontay, aqballaadda natiijada la wada filayo iyo sidii loo bogaadin lahaa hannaankii anshaxa iyo ixtiraamku ku gedaanaa ee ay bulshada reer Somaliland u gashay doorashadii shalay dalka ka qabsoontay.

kulmiyeurope1

Xubnaha safiirrada  iyo diblomaasiyiinta isugu jiraa waxay ku dheeraadeen qiimaha ay doorashadii dalka ka dhacday qaranka Somaliland u soo jiitay iyo sida ay kor ugu qaadday sumcaddii dalka, iyaga oo intaas ku daray in sugitaanka natiijada komishanka laga filayo iyo ku qancideeduba sii laban-laabi doonto karaamada shacabka iyo xukuumadda Somaliland.

kulmiyeurope4

Diblomaasiyiinta iyo safiirrada, ayaa   si waafi ah murrashax uga mahadceliyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu dhinaciisa ka dhawro deggenaanshiyaha wadajirka bulshada reer Somailand, siina ambo-qaado horumarka dhinaca dimuqraaddiyadda ah ee Somaliland tusaalaha tolmoon ugu tahay dalalka ku yaalla qaaradda Afrika iyo waddamo badan oo dunida kamid ah.

kulmiyeurope7

Geesta kale murrashax Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa  waxa uu si xeel-dheer uga xog-warramay safiirrada iyo diblomaasiyiinta ka socday dalalka Midowga Yurub   inay murrashax ahaan ka go’antahay sii ambo-qaadista horumarka Somaliland ka jira iyo Dimuqraaddiyadda xawliga ku socota, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka dhursugo natiijada ku laalan dhinaca Komishanka qaranka.

kulmiyeurope2

Markay  soo baxdana uu aqbali doono, haddii laga guulaysto  iyo haddii uu guulaystaba.

Dhinaca kale weftigan danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta isugu jira waxay kulan isla maanta kulan la yeesheen musharaxa kursiga madaxweynaha Waddani C/raxmaan Cirro.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Copy Protected by Chetan's WP-Copyprotect.