Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Natiijadda Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland Oo Lagu Dhawaaqay iyo Tiradda Codadka Lagu Kala Badiyay

Published on November 21, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa hadda shaaciyay in doorashadii madaxtooyadda ee 13-kii bishan ka dhacday dalka uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye, isla markaana musharaxiinta xisbiga Kulmiye ay ku guulaysteen.

download (1)

Komishanku waxay  sheegeen in musharaxa jagadda madaxweynaha uu ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi Xil-diid, halka jagadda madaxweyne ku-xigeenkana uu ku guulaystay c/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).

Sidaasna  uu Muuse Biixi Cabdi ku noqday madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ee shanta sanadood ee soo socda.

Tiradda  dadkii codayeeyay guud ahaan ayaa lagu sheegay 555.142, iyadoo saddexda xisbi ee tartamayay ay u kala  ee heleen sidan:

UCID: 23141 cod oo u dhiganta 4.17%.

Kulmiye: 305.909 una dhiganta 55.59%

Waddani: 226.092 oo u dhinta 40.73%.

Waxaana  ku guulaystay kurisga madaxweyne-nimo  musharixii xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale natiijadan ay maanta ku dhawaaqeen komishanka doorashooyinka ayaa ah mid hor dhac ah.

Iyadoo  go’aan ka gaadhideedda sharci-nimo ay awood u leedahay maxkamadda sare oo la filayo in muddo 10 maalmood gudaheed ah loogu gudbiyo, sida uu shigayo dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.