Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha La Doortay Oo Kulan La Qaatay Wakiillo Ka mid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE Ee Gobollada Dalka

Published on November 25, 2017 by   ·   No Comments

Hargeysa(SDWO):-Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay wakiillo kamid ah guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland.

23795252_978371475634273_7885754432013107469_n

Kulankan oo xarunta ololaha xisbiga KULMIYE ka qabsoomay maanta, ayuu madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan ugu jeediyey guddiyadii ololaha KULMIYE ee gobollada kala duwan ee dalka ka hawlgashay waqtiyadii ololaha doorashada lagu jirey, waxana si weyn u ammaanay doorkii ay guddi ahaan kasoo qaateen hawshaas ballaadhan ee qaranku soo maray.

Xubno ku hadlay magaca guddiyada ololaha xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa si xeel-dheer u sharraxay tallaabooyinkii xisbiga guusha usoo hooyey ee ay qaadeen waqtigii ololaha, waxana ay u mahadceliyeen shacabweynihii reer Somaliland ee codkooda la garab galay xisbiga KULMIYE.

1_n
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulanka uu la qaatay xubnaha guddida ololaha xisbiga oo wakiillo ka ahaa dhammaanba guddiyadii ololaha ee gobollada dalka waxa uu ku bogaadiyey sidii naf-hurnimada lahayd ee ay uga qayb-qaateen guushii xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashadii madaxweynenimo ee dalka ka qabsoontay.

Waxaanu  ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan sidii xukuumadda cusub ee dhawaan la dhisi doono, xisbiga iyo shacabkuba u wada yeelan lahaayeen xidhiidh fiican oo joogto ah.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu si degdeg ah u hirgelin doono ballamihii ay guddi ahaan iyaga oo ka wakiillo ka ah murrashaxiinta xisbiga u gudbiyeen shacabka, isla markaana uu caddaalad iyo sinnaan guud ahaanba shacabka reer Somaliland.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xubnaha wakiillada ka ah guddiyada ololaha xisbiga u sheegay inaanu marnaba talada ka goosan doonin xisbigiisa KULMIYE, isla markaana wixii talo iyo tusaaleba ah mar walba uga marti yahay.

1_n 23794750_978371528967601_3128233885753593307_n 23794957_978371572300930_4739009464532005563_n 23795046_978371122300975_1576194828986607667_n 23795190_978371515634269_5475344384679617931_n 23795252_978371475634273_7885754432013107469_n 23795590_978371255634295_8079438158386118218_n 23843560_978371302300957_4316614375412331575_n 23843647_978371642300923_438713883568538448_n 23844409_978371752300912_8763706704599621036_n 23905289_978371738967580_4022574502811832134_n 23905410_978371252300962_7674099239873717566_n 23905773_978371135634307_4234873814342884898_n 24058806_978371635634257_5249639908518925671_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.