Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddiga Doorashooyinka Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Natiijaddii Doorashadda Madaxtooyadda

Published on November 25, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa sheegay in ay natiijadda doorashadda madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishan u gudbiyeen  maxkamadda sare  ee dastuuriga ah ay sharciyan uga go’aan gaadho.

Garyaqan

Sida  uu BBC u sheegay  guddoomiyaha maxkamadda sare garyaqaan Aadan xaaji Cali Axmed, wuxuu sheegay in maanta duhurnimadii ay komishanka doorashooyinku u soo gudbiyeen natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadda.

Taasoo ay komishanku ku dhawaaqeen 21-kii bishan, iyadoo madaxweyne loogu doortay Muuse Biixi Cabdi, halka madaxweyne ku-xigeenka loogu doortay C/raxmaan C/laahi Ismaacaail (saylici).

Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa kaloo uu tilmaamay in muddo todobaad gudihiis ah sida dastuurku dhigayo in ay ku soo saari doonaan natiijadda rasmiga ah, isla markaana ay maxkamadu ku dhawaaqi doonto.

Geesta kale  maxkamadda sare ayaa la filayaa in ay soo saarto uun go’aan ah in sida komishanku ku meel gaadh ahaan ugu dhawaaqeen ay u raaci doonto oo aanay wax badan ka bedeli Karin.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.