Tuesday, June 2nd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Kal-fadhigii 35 Ee Golaha Wakiiladda Oo Maanta Furmay

Published on November 25, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Kal-fadhigii 35-aad golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta dib u furmay kadib markii ay xildhibaanadu soo dhamaysteen fasax ay muddo 40 maalmood ah kaga maqnaayeen shaqadda.

fadhi1-678x381

Fadhiga maanta ee golaha Wakiiladda oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, ayaa noqonaya fadhigii 1-aad  ee kal-fadhiga 35-aad ee goluhu yeesho.

Iyadoo xildhibaanadda loogu qaybiyay ajandaha uu ka kooban yahay kal-fadhiga 35-aad, si ay u soo akhriyaan, isla markaana loo guddo gallo doodiisa fadhiyadda soo socda.

Saddexda xildhibaan ee cusub ee ku soo biiray golaha ayay magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug), Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto) iyo  Xasan Xuseen Shide, kuwaasoo la filayo in fadhiyadda danbe golaha hortiisa lagu dhaarin doonno.

fadhi-2

Geesta kale Baashe Maxamed Faarax, ayaa markii uu soo xidhay fadhiga golaha waxa uu xildhibaanadda ku  wargeliyay  in maalinta beriya  10-ka  gudoomiye ee guddi-hoosaadyadda   golaha Wakiiladda iyo shir-gudoonka goluhu ay shir wada geli doonaan.

Guddoomiye Baashe, ma sheegin waxa uu ku saabsan yahay shirkaasi iyo waxyaabaha ay dhinacyadu kaga wada hadli doonaan.

 

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.