Wednesday, April 1st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Shaqadda Oo Furay Ololaha Tacadiyadda Ka Dhanka ah Lamaaanaha

Published on November 25, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshadda Somaliland Mudane Cismaan Sheekh Muxumed ayaa magaaladda hargaysa waxa uu ka furay ololaha 16 Maalmood ee Tacadiyada ka dhanka ah Lamaanaha kaas oo Socon doona Mudo 16 Cisho ah.

w shaqada

Furitaankii kulankan waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshadda iyo Hay’adaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso, ururo maxali ah iyo kuwo caalami ah.

Halku dhega Sannadkan ayaa ahaa ‘Wada Jir ayaynu u Cidhib tiri karnaa tacadiyada ka dhanka ah lamaanaha’.

Marwo Filsan Xuseen Khaliif oo ah agaasimaha arrimaha bulshadda oo kulankaasi ka hadashay ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay Joojinta tacadiyada ka dhanka ah Lamaanaha  “Wasaaradu waxay ku baaqaysaa in la Joojiyo Tacadiyada ka dhanka ah Lamaanaha sida Kufsiga, Jidh dilka,Maskax dilka iyo Wixii la hal maala.

Sidoo  kale waxaan ku baaqaynaa Joojinta dhaqamada guracan ee uu ka midka yahay Gudniinka Fircooniga ah Wuxuu Ololahani Bilaabmay 25-ka Bishan November (Shalay) Wuxuuna dhamaan doonaa 10 December’’.

Sidoo Kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadda Marwo Sahra Maxamed Xuseen oo Madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Ololahani uu ka wada bilaabmay gobolada dalka.

“Barnaamijkani waxa uu ka wada bilaabmay Gobolada dalka oo dhan waxayna Ujeedadu Tahay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhamaanba wixii tacadi ah ee lagula kaco Haweenka iyo Caruurta’’.

Wasiirul dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadda Mudane Cabdi Daahir Camuud ayaa sheegay in Sannadkani uu u noqonayo kii 4aad ee uu Wasaaradaas Joogo waxaanu xusay in 16-kaas cisho loo baahan yahay sidii loo gaadhi lahaa meelaha tacadiyadu ka dhacaan iyadoo loo dirayo Kooxo wacyigelin ka soo samayn doona.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshadda Somaliland Mudane Cismaan Sheekh Muxumed oo Gabo gabadii Kulankaasi furay ayaa sheegay in Mudada 16-ka Maalmood ee ololahani socdo sidii loo gaadhi lahaa dhamaanba meel kasta oo ka mid ah dalka si bulshadda loo gaadhsiiyo fariinta ololahan.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayay  ayaa yidhi “Maanta waxaan halkan ka leeyahay dhamaan aanu isu kaashano sidii loo cidhib tiri lahaa tacadiyadaas isla markaana loo samayn lahaa daryeelka caruurta oo ah ta Wasaaraddani Ubucda u ah.

w shaqada

Waxaynu ognahay Caruur badan oo Jeelasha la geeyo oo dhibaatooyin badani ka soo gaadhaan taas awgeed waxaynu u baahanahay Jeel gaar u ah Caruurtaas sidii loo samayn lahaa.

Sidoo  kale Waxaa loo baahan yahay sidii loo hagaajin lahaa Xidhiidhka ay wasaaradu la leedahay Wasaaradaha Kale ee dawlada’’.

Waxaa Kale oo halkaasi ka hadlay Xubno ka socday Ururo iyo Hay’ado Caalami ah oo ka qaybgalay Ololahan Muddada 16 Cisho ah Soconaya ee Tacadiyada ka dhanka ah Lamaanaha.

 

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.