Wednesday, April 1st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Hanti-dhawraha Guud Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Baan-xisaabeedyadda Wasaaradaha Dawladda

Published on November 27, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Hanti-dhawrka qaranka Somaliland ayaa go’aamo adag ka soo saaray baan-xisaabeedyadda kala duwan ee dawladda in gebi ahaanba la xanibay, isla markaana aan wax lacag ah lagala bixin Karin inta lagu jirro kala wareega xukuumadda.

Hanti-dhawraha guud ee qaranka Somaliland Siciid Saleebaan Mirre, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in gebi ahaanba la joojiyay wixii xisaabaad ah hay’adaha dawladda uga furan baanka dhexe, baanka Dahabshiil, Salaama bank iyo kuwo kale.

Waxaanu tilmaamay hanti-dhawraha guud in  aanay masuuliyiintu wax lacag ah kala bixi Karin xisaabaadkoodda ay ku leeyihiin baanka dhexe iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahayba.

Siciid Saleebaan Mirre, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hanti-dhawrka guud ee qaranku wuxuu  la socod siinay dhamaanba hay’adaha aanu wada shaqaynta leenahay sida baanka dhexe, baanka Dahabshiil, Salaama ban iyo premier bank in la joojiyay dhamaanba xisaab-socotooyinkii  ee hay’adaha qaranka dhamaantood in aan waxba laga saari Karin, inta ka hadhay xil wareejinta marka laga reebo waxyaabaha daruuriyaadka ah”.

Sidoo kale hanti-dhawraha guud waxa faahfaahin ka bixiyay noocyadda baan-xisaabeedyadda la ogol yahay in ay socon karaan mudadda xil wareejinta. “Baan-xisaabeedyadda la ogolaaday in ay socon karaan inta xil wareejintu socoto, waxay yihiin.

Raashinka  ciidanka, shiidaalka, waraaqaha iyo buugaagta, mushaharka shaqaalaha joogtadda ah iyo kuwa aan joogtadda ahayn, gunnooyinka, laydhak iyo biyaha.  Intaas oo keliya ayaa soconay, intaa wixii ka badani ma soconayaan” ayuu yidhi hanti-dhawraha guud.

Geesta kale hanti-dhawraha guud ee qaranka ayaa digniin u diray  masuuliyiinta dawladda oo uu ugu baaqay in aanay gaadiidka dawladda eel eh lanbarka GT-ga loo yaqaano lagu xidhi Karin lanbarka gaarka  ah, isla markaana ay laamaha amaanku amar ku haystaan in ay xidhaan gaadhiga iyo derawlkaba.

Waxaanu yidhi  “Wax allaale iyo wixii gaadiid dawladeed ah,  ee aan sidan lanbarka dawladda GT cidda wadda io gaadhigaba  hay’adaha amnigu waxay amar ku haystaan in ay  xidhaan”.

 

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.