Wednesday, October 27th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Oo Kormeeray Wax-soo Saarka Beeraha Banka Wajaale

Published on November 28, 2017 by   ·   No Comments

Wajaale(SDWO): Taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada, Sareeye Guuto, Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud) oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa   kormeer shaqo ku tegay beerta wax-soo saarka ciidanka ilaalada madaxtooyadu  ku leeyihiin banka Wajaale.

11111n

Iyadoo beertaasi   sanadkiiba ay ciidamadu ku soo bandhigaan waxqabadkooda dhinaca dalaga beeraha ee ay tabcadeen sanadkaasi.

Markii taliyuhu gaadhay beerta waxa warbixin ka siiyey sarkaalka u qaabilsan ciidanka, waxaanu yidhi “Taliyaha iyo weftiga la socdaba aad ayaanu idin soo dhawaynaynaa, taliye ilaahaybaa mahadleh, ee hawshan waanu qabanay.

Adigu-na waadna garab gashay oo waanu kaaga mahad celinaynaa sidii dedaalka lahayd ee aad noo garab istaagtay.

24129700_1481024065344775_5076489617356863690_n

Wax-na ilaahaybaa haya waxna binu-aadamkaa tabcada, Al-xamdulilaah ilaahayna tacabkaagii naguma qasaaray, aad iyo aad ayanau kugu mahadnaqaynaa waad arkaysaa waxa aanu go’nay wax soo saarkii aanu beernay oo waakuwan inaga danbeeya.

Inta  kale-na way noogu talaa, waana sagaal daag oo hada labaanu go’nay ayuu yidhi xidigle Cumar Afweyne oo isagu ah sarkaalka beerta u qaabilsan ciidanka ilaalada madaxtooyada”.

Taliye Sareeyo Guuto Cabdirsaaq Siciid Bulaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Waxa aynu joognaa beerta ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland ay gaarka u leeyihiin oo sanad walba sida loo kala dacab badan yahay wax loola soo baxo.

Sanadkan  sida runtiiya roobkaa nagu yaraa balse waanu dedaalnay, ciidanka aanu u xilsaarnay hawshan oo uu hoggaan u yahay xidigle cumarna way dedaaleen, annaguna waanu garab galnay, runtiina waxa aanu qorshaysanay in aanu wax soo saar fiican ka soo saarno.

23905703_1481025955344586_6744743488848291502_n

Balse  raxmaadka Alle ayaa yaraaday sidaa awgeed sagaal daag ayaanu beernay, sagaalkaa daagna laba ka mid ahi way go’an yihiin oo dhulkay yaaliin, inta kalena runtii anigay ila sugayeen ciidanku in aan la ogaado, tacabkuna ciyaar ma aha oo maansha Allaah  waxa ka soo baxay waynu aragnaa”.

“Dalagani waxa uu noqon karaa saad ciidanku ay muddo isticmaali karaan, halka balkana la iibgeyn doono looguna bedeli karo, wixii markaa lagama maarmaanka u ah beerta iyo ciidanka degan, ciidamaduna sidoodaba, ha noqdeen kuwa qaranka.

24068353_1481025418677973_8158839765156154740_n

Kuwa asluubta iyo booliskaba, waxay leeyihiin beero wax soo saar u gaar ah, ha lagu kala badsado oo tacabka ha la kala badsado oo fikirka ha lagu kala duwanaado, ciidanka ilaalada madaxtooyaduna way dedaaleen.

Iyagoo  gacan qabasho wanaagsan ka helaya wasiirka wasaaradda madaxtooyada oo isaga la’aantii aanay noo suuro gasheen in ciidanku yeeshaan wax soo saar baaxdaa gaadhsiisan, waanan u mahadnaqayaa wasiirka, sidoo kalena waxan u mahadnaqayaa ciidanka dedaalay ee hawshan baaxdaa leh ka dabaashay ee muujiyey awoodaada wax qabad, waxanan leeyahay waad mahdsan tihiin ee halkaa ka sii wada hawsha”ayuu yidhi.

11111n 23844815_1481023598678155_264856755815964477_n 23844949_1481025238677991_3313564279116360997_n 23905320_1481024618678053_81731764258882059_n 23905415_1481025525344629_1957264818689834787_n 23905703_1481025955344586_6744743488848291502_n 23915490_1481023892011459_8726349122626287843_n 23916027_1481023612011487_347700757299037713_n 24058819_1481026262011222_2793719428872782104_n 24068353_1481025418677973_8158839765156154740_n 24129548_1481024968678018_1581963781614479706_n 24129621_1481025712011277_5588504701385799510_n 24129700_1481024065344775_5076489617356863690_n 24129956_1481024325344749_3139959710985531161_n 24176764_1481023385344843_7566021067017189357_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...