Wednesday, October 27th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shir Aan Caadi Ahayn La Yeeshay Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamadda

Published on November 28, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland  Axmed  Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa maanta kulan aan caadi ahayn la yeeshay  golihiisa wasiirrada, maareeyeyaasha hay’addaha dawliga ah iyo taliyeyaasha ciidamadda qaranka.

24174545_1482176105229571_4519547850136898041_n 24176717_1482175658562949_4502347687265251877_n

Shirkan deg dega ah ee uu madaxweyne Siilaanyo la yeeshay golaha wasiirrada taliyeyaasha ciidamadda masuuliyiinta wakaaladaha dawliga ayaa lagu tilmaamay mid uu madaxeynuhu kual sii dar-daarmayay masuuliyiintaasi kala duwan, maadaama oo la filayo in xukuumad cusub uu dhawaan soo magacaabo madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha xilka ka sii degaya  oo khudbad u jeediyay  wasiirradii iyo hogaanka sare  ee ciidamadda ee shirka joogay ayaa sheegay ugu horayn  uga mahad celiyay doorkii muuqday ee ay ka soo qaateen ololihii doorashadda ee xisbiga Kulmiye  mar labaad  ku guulaystay.

24129570_1482176761896172_9160733309175828807_n

“Ugu horreyn, waxaan si weyn idiinku bogaadinayaa dedaalka iyo doorkii qiimaha lahaa, ee aad ka qaadateen ololaha doorashooyinka Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in aad udub-dhexaad u tihiin guusha xisbiga kulmiye gaadhay.

Waxaan aamin-sanahay, in xisbiga kulmiye lagu doortay horumarkii iyo wax-qabadkii uu dalka ka hirgeliyey,  ee aad bud-dhiga u ahaydeen. Waxaan aamin-sanahay, in aynu xaqiijinnay himilooyinkii iyo hadafkii aynu lahayn, xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba” ayuu yidhi Siilaanyo.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Sharaf weyn ayay ii tahay, aniga ka madaxweyne ahaan  iyo idinkaba, in mar labaad xisbigeenii uu ku guulaysto hoggaaanka talada dalka. Sumcad iyo wanaagga aan maanta kaga tegay qarankan, idinkaa sabab u ah.

Hoggaamiyeyaashu way kala nasiib badan yihiin ama way kala cawo iyo ayaan badan yihiin. Kumaan khasaarin, isla markaana EEBBE   iguma xilin, in aan idiin cugtay ama idiin magacaabay in aad noqotaan kaaliyeyaashaydii.  Sidaa darted, waxaan jecelahay in aan dhammaantiin idiinka mahad celiyo, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad u gudateen xilkii qaranka, isla markaana aad iila shaqayseen, iina garab is-taagteen”.

Geesta kale Axmed Siilaanyo ayaa kula dar-daarmay dhamaanba masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadiisa in ay diyaariyaan xil wareejinta, isla markaana ay ilaaliyaan hantidda qaranka inta lagu jiro xiliga kala guurka ah.

24129570_1482176761896172_9160733309175828807_n

Isagoo fariintaasi dirayayna waxa uu yidhi  “Sida aad la socotaan, waxaynu ku jirnaa xilli kala guur ah, oo aynu xilkii qaranka ku wareejinayno, madaxweynaha cusub ee la doorta, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, waxaan idin farayaa in mas’uul waliba deg-deg u diyaariyo, xil wareejintii looga baahnaa.

Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in wakhtiga kala guurka ah, la ilaaliyo hantida qaranka. Wakhtiga iyo qaabka xil-wareejinta. gun iyo gebo-gebo, waxaan idinkaga tagayaa niyad sami, mustaqbal wacan, madaxtinimo iyo duco”.

11 23905750_1482176398562875_4299361321775802919_n 24058978_1482175651896283_2618036830981161836_n 24129570_1482176761896172_9160733309175828807_n 24131460_1482176408562874_7769602659952180459_n 24174545_1482176105229571_4519547850136898041_n 24176717_1482175658562949_4502347687265251877_n 24176794_1482176405229541_5589507670709545117_n

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...