Wednesday, September 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Ajandaha 35-aad iyo Xeerarka Ku Jira

Published on November 28, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa  maanta ansixiyay   ajandaha kal-fadhigooda 35-aad ee golaha oo  furmay  fadhigii kan ka horeeyay, kaasoo   ka kooban  18 xeerar  oo  muhiimad weyn u leh qaranka.

DSC0341-1024x681

Fadhigan  oo ahaa kii saddexaad ee fal-fadhiga 35-aad waxaa shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadiray  52 mudane oo ka mid ah 82 xildhibaan ee uu aqalka Wakiiladu ka kooban yahay.

shirgudon

Markii codka ansixinta loo qaaday  ajandaha kal-fadhiga 35-aad  waxa ogolaaday 32 xildhibaan, waxaana diiday 8 mudane, halka 11 xildhibaana ay ka aamuseen, iyadoo guddoomiyuhuna aanu codaynin.

Sidaas ayaanu  kal-fadhiga 35-aad golaha Wakiiladu ansax ku noqday, iyadoo la filayo in xildhibaanadu ay fadhiyadda danbe  guddo geli doonaan doodda iyo soo jeedimaha xeerarka iyo qodobadda ku jira kal-fadhigani.

Ajandaha kal-fadhigan 35-aad  ee golaha Wakiiladda oo ay ku jiraan 18 xeer waxa ka mid ah, qabyo-qoral xeerka guud ee degaanka (National Environment Law),  xeerka shirkadaha (Company Law), qabyo-qoraal xeerka sahaminta shiidaalka iyo soo saaristiisa iyo  qabyo-qoraalka  xeerka ilaaladda xeebaha Somaliland. Xeerarkaasi ayaa  dhamaantood waxay marayaan   akhriskii kowaad.

Sidoo kale waxaa ka mida xeerarka ku jira ajandaha kal-fadhiga 35-aad ansixinta masuuliyiinta qaranka, xeerarka golaha Guurtida ka soo noqda  iyo wixii kale ee soo kordha.

Geesta kale Baashe Maxamed Faarax,   ayaa xildhibaanadii madasha joogay iyo kuwa maqanba ku wargeliyay   in ay golaha hor yalaan saddex xeer oo ka soo naqday madaxweynaha, kuwaasoo kala ah xeerka booliska, xeerka xabsiyadda iyo xeerka duulista hawadda.

Xeerarkan oo ay hore golaha Wakiiladu u ansiiyeen, ayaa maadaama oo uu madaxweynuhu ku soo celiyay ay tahay in ay mar kale waajibkooda ka ka gutaan.

Waxa kaloo uu gudoomiyuhu  u sheegay xidlhibaanadda  in xeerarkaasi  dib loogu qaybin doona xildhibaanadda fadhiga  kan xiga.

W11 678x381

Dhinaca kale fadhiga maanta ee golaha Wakiiladda waxaa ku cusbaa saddex xildhibaan oo golaha ku soo biiray, kuwaasoo ka soo galay jagooyinkii ay baneeyeen laba xildhibaan oo geeriyooday iyo kursigii   uu baneeyay C/raxmaan Cirro  guddoomiyaha xisbiga Waddani.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.