Wednesday, September 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Waxaan ka digayaa in lagu tarkifallo hantidda qaranka mudadda kala guurka ah”… xildhibaan Xaamud

Published on November 29, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa dhawaan wareegto uu soo saaray waxa uu ugu baaqay wasiirrada iyo maareeyeyaasha hay’adaha dawliga ah in aanay ku kicin wax musuq maasuqa iyo xatooyo ah.

Isagoona ka digay in aanay dhicin lunsi hantiyeed inta lagu jirro mudadda kala guurka ah, isla markaana ay ilaaliyaan gaadiidka, lacagta, qalabka iyo nooc kastoo ay tahayba  hantidda qaranka.

Hanti-dhawraha  guud ee qaranka iyo guddoomiyaha komishanka la dagaalanka musuq maasuqa ee Somaliland ayaa sidoo kale  masuuliyiintoodu waxay ka hadleen in madaxda dawladda looga baahan yahay in ay  ka digtoonaadaan falal lagu  xadayo hantidda ummadda.

Sidoo kale xildhibaan C/qaadir Jaamac Xaamud, oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddi-hoosaadka ilaalinta iyo dabagalka hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka digay  in wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda sii tegaysaa ay ku kacaan musuq maasuq.

Waxaanu sheegay in ay ka guddi  ahaan si dhaw ula socdaan isku kasta iyo dhaq-dhaqaadyadda   ay masuuliyiinta xukuumadda sii dhacaysaa sameeyaan  falal ay ku xadayaan xoolaha dawladda.

Xildhibaan C/qaadir Xaamud, oo maanta warfidiyeenadda kula hadlay xarunta golaha Wakiiladda ayaa ugu baaqay wasiirrada xilalka banaynaya in aanay ku takrifalin hantidda qaranka.

Waxaanu yidhi “Waa in la ilaaliyo oo aan lagu tarki falin hantidda qaranka.  Madaxweynuhu-na hore ayuu digreeto arrintaasi uga soo saaray, anagu-na ka guddi ahaan waxaanu soo jeedinaynaa in aan lagu tarkifalin hantidda qaranka”.

Waxa kaloo uu sheegay in ay ka guddi ahaan arrimahaasi aad ula socdaan, iyagoo la kaashanaya hay’adaha ku shaqadda leh sida hanti-dhawrka guud ee qaranka.

“Ka guddi  ahaan waanu ka hawl galnay, imikana waanu ku jirnaa, maanatana hanti-dhawraha guud ee qaranka ayaanu la balansanahay si aanu arrimahaasi u dabagalno” ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka gudiga ilaalinta iyo dabagalka hantidda qaranka ee golaha Wakiiladd.

 

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.