Wednesday, September 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Shirshabeelle Oo Magacaabay 47 Wasiir iyo Xubno Shaaciyay In Ay Iscasileen

Published on November 29, 2017 by   ·   No Comments

Jawhar (SDWO): Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waarre, ayaa maanta soo dhisay xukuumadda cusub ee golihiisa wasiirrada oo ay tiradoodu gaadhayso  ku dhawaad konton xubnood.

download

Magacaabista  golahan wasiirrada madaxweyne Waarre, oo mudooyinkan-ba si weyn looga dhur-sugayay  ayaa maanta waxa uu magaaladda Jawhar ee xarunta ku-meel gaadhka u ah maamulkiisa waxa uu kaga  dhawaaqay 20  wasiir, 20 wasiir ku-xigeen iyo 7 wasiiru-dawle, taasoo golihiisan wasiirrada ka dhigaysa 47 wasiirr.

Kuwaasoo  laba ka mid ah ay yihiin dumar, iyadoo   weliba 20-ka  wasiirr  aanay  ku jirin   mid keliya oo dumar ah, arrintaasi  oo isla markiiba keentay hadal hayn ah  in bulshadu ay si weyn wax isaga waydiiso saamiga uu haweenka ka siiyay.

Labadan xubnood ee dumarka waxay kala yihiin wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadda Sacdiya Maxamed Nuur, iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqadda iyo shaqaalaha Ubax Xaashi Odowaa.

Waxaana muuqata in aanu madaxweyne Waarre, wax tixgelin ah siininn arrimaha haweenka, maadaama oo aanay 20-ka wasiirr   ee xukuumadiisa gebi ahaanba ku jirin wax dumar ah.

Halka taa bedelkeedda keliya la siiyay wasiiru-dawle iyo wasiir ku-xigeen. Taasoo macnaheedu yahay in gole wasiirro oo ka kooban 47 xubnood dumarka laga siiyay 2 xubnood oo keliya,  45-ka kale-na ay yihiin rarg.

Wasaaradaha waaweyn sida wasaaradda maaliyadda iyo dhaqaalaha oo kale waxaa loo magacaabay nin magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cabdulle, wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo is-kaashiga caalamiga ah waxaa loo magacaabay C/raxmaan C/laahi Macalin.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha, amniga iyo dawladaha hoose   ee maamul goboleedka Hirshabeelle  waxaa loo magacaabay  Maxamed Cali Caadle, oo hore  xilkaasi u hayay xukuumadii tan ka horaysay ee madaxweynihii xilka laga tuuray  Cali C/laahi Cosoble.

Geesta kale waxaa la sheegay in golahan wasiirrada cusub ee uu maanta soo saaray madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waarre,  ay ku jiraan xubno hore wasiirro uga ahaa xukuumadii madaxweynihii hore Cali Cosoble.

Waxa kaloo la sheegay in xukuumadan madaxweyne Waarre, ay wasiirrada ku jiraan xubno ka mid ah baarlamaanka maamulkaasi.

Madaxweyne Waarre ayaa markii hore la filayay in uu soo dhiso gole wasiirro oo aad u kooban tiro ahaan oo aan ka badnayd 15 ilaa 16 wasiirr, oo aanay sidoo kale ku jirin xildhibaano baarlamaanka ku jira.

Hase  yeeshee, cadaadis la sheegay in uu kaga yimid  madaxweynaha dhinaca beelaha iyo xildhibaanadda laftoodda uu sababay in wasiirrada xildhibaano baarlamaanka ka tirsan lagu soo darro, sidoo kale-na golaha wasiirrada la balaadhiyo.

download

Madaxweyne  Maxamed Cabdi Waarre, ayaa la doortay 16-kii bishii September ee sanadkan  iyadoo maanta-na ay taariikhdu marayso 29-ka November, taasoo muujinaysa in ay ku qaadatay muddo laba bilood iyo dheeraad ah in uu soo magacaabo golle wasiirro.

Dhinaca kale waxaa la soo sheegay in wasiiru-dawlihii wasaaradda Boostadda iyo is-gaadhsiinta oo ka mid ahaa xubnaha maanta la magacaabay  Ismaaciil Maxamed Culusow, uu isla galabta xilkaasi iska casilay, isagoo ku dooday in aan lagala tashan xilkaasi loo magacaabay.

Inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in ninkaasi uu saluugay awoodda xilka iyo saami-qaybsiga beeshiisa laga siiyay xukuumadan cusub.  Tallaabadaasi oo noqonaysa fal-celintii ugu horaysay oo ka timaadda xukuumadan tiradda badan ee uu maanta magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdi Waarre.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.