Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland Oo Dhalinyaradda Uga Digtay In Ay Tahriibaan

Published on December 2, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaaraha Somaliland ayaa dhalinyaradda uga digtay in ay beegsadaan safarka dhibta badan ee tahriibka oo mudooyinkan danbe ay ka soo cusboonaadeen xaalado naxdin leh.

Crashid

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Ismaaciil Kaahin, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in tahriibku beryahan danbe uu isu bedelay adoonsi, isla markaana dhalinayradda lagu kala iibsado Liibiya.

C/rashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa sheegay in dhalinyaradda qaarkood markay waalidiintoodu u waayaan lacagaha ay dalbadaan magafeyaasha  ku qabsadda Liibiya in ay ciqaabaan, halka qaarkoodna inta la kala iibsado beeraha lagu qoto.

Wasiir ku-xigeenka dhalinayaradda iyo ciyaaraha ayaa  ka dayriyay xaaladaha ay ku sugan yihiin dhalinyaradda lagu haysto, isagoona dhalinyaradda uga digay in ay isku dayaan tahriibka oo dhibaatadiisii sii xumaatay.

Daawo:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.