Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Naafadda Somaliland Oo Cabasho Ma Muujiyay Daryeel La’aan Haysata iyo Wasiirka Arrimaha Bulshadda Dagaal Ugu Jawaabay

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Iyadoo wadamo badan oo caalamka ah 3-da bisha December laga xuso maalinta naafadda aduunka ayaa maanta Somaliland laga xusay, hase yeeshee waxaa xuskaasi hadheeyay mudaharaad  ay dhigeen dadka naafadda ah ee ku nool Somaliland oo   cabasho xoogan ka muujiyeen in aan waxba loo qaban.

vlcsnap-2017-12-03-18h05m11s504vlcsnap-2017-12-03-18h05m00s065

Waxaana maanta   magaaladda Hargaysa mudaharaad cabasho ah ka dhigay qaar ka mid ah dadka naafadda ka ah araga, dhegaha, indhaha, lugaha, gacmaha iyo meel kale, kuwaasoo xukuumadda u jeediyay dhaliilo la xidhiidha in aan marnaba baahiyahoodda hoos loo eegin.

Waxa kaloo ay cabashadoodda ku sheegeen dadkan naafadda ah ee mudaharaadka sameeyay in ururka naafadda Somaliland  ee magaciisa loo yaqaano Somaliland Disability Forum uu yahay mid ay ku shaqaystaan dad gaarra, isla markaana aanu ahayn mid si siman ugu wada adeega dadka naafadda.

Geesta kale wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland oo ka qayb gelayay munaasibadii lagu xusayay maalinta naafadda aduunka ayaa markii wax laga waydiiyay sababta ay wax ugu qaban waayeen dadkan mudaharaadayay ku gacan saydhay arrinkaasi.

Waxaanu wasiirku ku dooday in aanay maalin keliya intii uu xilka hayay u iman qaar ka mid ah dadka naafadda ah oo wax tabanaya, isagoo cabashadoodii maanta ku tilmaamay mid ay ka danbeeyaan shaqsiyaad danno gaara leh.

Halkan Ka Daawo Cabashadda Naafadda iyo Jawaabtii Wasiirka:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.