Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Soomaaliya Oo Markii U Horaysay Laga Hirgeliyay Nidaamka Xisbiyadda Badan

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Muqdisho (SDWO): Gudiga doorashooyinka madax banaan ee Soomaaliya ayaa markii u horaysay shahaadooyinka aqoonsiga xisbinimo guddoonsiiyay 8 xisbi siyaasadeed, kuwaasoo loo aqoonsaday in ay buuxiyeen shuruudihii xisbinimo.

X10

Shahaadadan aqoonsiga xisbinimo ayay gudiga doorashooyinka amdaxa banaan ku sheegeen mid ku meel ah, iyadoo ay weli dhiman yihiin shuruudo dheerad ah oo looga baahan yahay in 8 xisbi ay soo buuxiyaan.

Xaflad loo sameeyay gudoonsiinta shahaadooyinka aqoonsiga xisbinimo oo maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho waxaa  goob joog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, xubno ak socday ururadda bulshadda rayid ah iyo marti sharaf kale.

X7

Xisbiyadan shahaadooyinka aqoonsiga la gudoonsiiyay ayaa qayb ka ah nidaamka xisbiyadda badan oo la doonayo in Soomaaliya laga hirgeliyo iyadoo sida qorshuhu yahay waxaa la filayaa in ay ka qayb qaataan doorasho hal qof iyo hal cod ah mustaqbalka dhaw.

Siday  sheegtay guddoomiyaha gudiga doorashooyinka madax banaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (xaliimo yareey), oo hadal ka jeedisay munaasibadii maanta.

Raysal wasaare ku-xigeenka xukuumadda federalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in  abuuritaanka nidaamka xisbiyadda badan  ay bilaw u noqonayso sidii loo gaadhi lahaa  doorashooyinka la filayo in ay dalka Soomaaliya ka dhacaan sanadka 2021-ka.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawhari, oo hadal ka jeediyay munaasibadda ayaa sheegay  in nidaamka xisbiyadda  ay wakhtigan Soomaaliya si eyn ugu baahan tahay, isla markaana looga gudbi doono arrimo badan oo dhibaato ku haya siyaasadda Soomaaliya.

X8

Geesta kale xildhibaan Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan, oo u hadashay xisbiyadda siyaasadda ayaa tilmaantay marxaladihii kala duwanaa ee ay u soo mareen sidii loo heli lahaa in dalku yeesho nidaamka xisbiyadda badan.

Dhinaca kale xisbiyadan maanta la gudoonsiiyay shahaadadda aqoonsiga xisbinimo ayaa shuruudaha kale ee  weli ka dhiman xisbi-nimadoodda waxa ka mid ah in xisbi kastaaba uu goboladda dalkoo dhan xafiisyo ku yeesho iyo  iyo dad taageereyaal ah.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.