Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Biyaha Oo Sheegay in Madaxweynaha Cusub Ka Dhabayn Doonno Balan Qaadyadii Horumarinta Goboladda Bariga

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa  (SDWO):  Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Prof. Xuseen Cabdi Boos,  ayaa sheegay  in shacabka gobalada Sool iyo  Sanaag bari  ay ka go’an tahay sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen goboladda kale iyo shacabka reer Somaliland.

maxresdefault

Wasiir Boos, ayaa sidoo kale  ku amaanay dadweynaha goboladda Sanaag bari iyo Sool sidii ay uga qayb qaateen  codaytii  doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishii  November ee ina dhaaftay.

“Kalsooni weyn ayay I gelisay sidii  ay u codeeyeen  doorashadii madaxtooyadda  dadka gobalada Sool iyo  Sanaag   bari.  Waxaanay  ka turjumaysaa siday uga go’an tahay in dadka reer Somaliland ay wax la qayb sadaan.

Iyagoo faraxsan ayay u codeeyeen,  waxaanu u balan qaaday madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi,  in uu horumar gaadhiis doono goboladaas, waanu  fulin doonaa balan qaadyadaas” ayuu yidhi Xuseen  Cabdi  Boos,   oo maanta   warfidiyeenadda kula hadlay Hargaysa.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in shirkadda Dp World  ay qayb ka noqon doonto sidii biyo macaan loogu saari lahaa magaaladda Laascaanood, waxaanu  tilmaamay in ay socdo mashruucii biyaha loogu saarayay  Laascaanood.

Waxaanu tilmaamay in uu imika socdo mashruucii biyo-gelinta magaaladda Laascaanood, kaasoo laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF loo yaqaano.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Magaaladda Laascaanood oo aan biyo  macaan lahayn,  waxaa imika  ka socota  biyo-gelinta iyo meeshay biyuhu ka imanayaan iyo sida loo dhigayo beebka biyaha soo qaadaya.

nugaal-inc

Qorshahaasi  marka uu dhamaado waxa safka labaad samaynaya oo laga maalgelinayaa sanduuqa horumarinta Somaliland ee  SDF.  shirkadda  Dp World  lafteedu  qayb ayay ka noqonayaan biyo gelinta magaaladda Laascaanood  oo diyaar ayay u yihiin in ay wax ka qabtaan”.

 

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.