Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Somaliland iyo Khaatumo waxay wada galeen heshiis ma aha, ee waa soo jeedin”…guddoomiyaha Guurtidda

Published on December 4, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in aan heshiis loo aqoonsan Karin heshiiskii ay dhawaan xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ku kala saxeexdeen magaaladda Caynaba.

saleban

Waxaanu tilmaamay in heshiiskaasi ay warbaahintu khalad u fahamtay, isla markaana aan  weli sharciyan heshiis loogu yeedhi Karin maadaama oo  aanay goleyaasha sharci dejintu ansixinin.

Saleebaan Maxamuud Aadan, oo maanta warbaahintu wax ka waydiisay sida uu u arko heshiiskaasi ayaa si cadho leh ugu jawaabay weriyeyaasha arrintaasina ku tilmaamay soo jeedin.

Isagoo   sheegay in  marka loo soo gudbiyo baarlamaanka ee ay ansixiyaan  uu yahay heshiis qaran, balse inta ka horaysa aan loogu yeedhi Karin heshiis.

Daawo Hadalka Guddoomiyaha:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.