Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto ku magacaabay guddida Xil-wareejinta muddada kala-guurka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha cusub ee la doortay

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto ku magacaabay guddida Xil-wareejinta muddada kala-guurka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha cusub ee la doortay, kaasi oo u dhignaa sidan;

23845523_10155786880192381_1063559568_n

Xafiiska Madaxweynaha La Doortay

REF: JSL/XM/WLD/009/12/2017 December 6th, 2017

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:

Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin

Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

 
,, ,,,.