Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Cali Khaliif Oo Ka Jawaabay Hadalkii Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka jawaabay hadal doraad ka soo yeedhay guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland oo sheegay in aan  heshiis  lagu tilmaami Karin heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland ay wada gaadheen.

Galayr

Cali Khaliif Galaydh, waxa uu sheegay in aanay arrintaasi ku koobnayn Siilaanyo iyo Cali Khaliif oo keliya sida guddoomiyaha Guurtidu ku dooday, balse ay tahay mid labadda maamul ee Somaliland iyo Khaatumo ay u dhamaayeen.

Inkastoo Cali Galaydh uu qiray in  sharciyan sida dastuurka Somaliland-ba dhigayo in goleyaasha sharci-dejinta la soo mariyo si ay u ansixiyaan heshiis kastoo ay xukuumadu la gasho maamul ama  dawlad.

Madaxweynaha Khaatumo oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa, isagoo ka jawaabayay hadalkii guddoomiyaha Guurtidda waxa uu yidhi  “Arrinta guddoomiyaha Guurtidu waa sax. Wada hadalku-na wax lala dhuun-dhuumanayayna ma ahayn, Siilaanyo iyo Cali Khaliif oo keliya-na kuma ekayn’e Khaatumo iyo Somaliland maamulkeedda ayaa muddo laba sanno ah hawlahan soo wadda waday.

Waxaana jirtay in golaha Wakiiladu iyagu ansixin ma ahayn’e  way soo dhaweeyeen, kuna raaceen xukuumadda in hawshaa la waddo. Hawshiin-na imika meel fiican ayay  maraysaa, in badan ayaana qabsoontay  oo ay ugu weyn tahay nabadu”.

Waxa kaloo uu tilmaamay in aanay ka Khaatumo ahaan wax cuqdad ah ka qabin, isla markaana ay soo dhawaynayaan  in heshiiska ay wada galeen xukuumadda Somaliland la hor geeyo goleyaasha baarlamaanka si loo ansixiyo.

“Waa runtii guddoomiyaha Guurtidda in la ansixiyo oo goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtidaba la mariyo way tahay, dastuurka Somaliland-na waxaa ku taalla   heshiisyadda la gallo siyaabo kala duwan ayaa loo     ansixin karaa ama loo fulin karaa.

Haddii uu leeyahay heshiiskaasi goleyaasha sharci-dejinta lama keenin, taas anagu waxba kama qabno. In la mariyana waan soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi  Prof. Galaydh.

Geesta kale Cali Khaliif Galaydh, ayaa  madaxweyne Siilaanyo ku amaanay in uu wada hadal la furay Khaatumo heshiis-na ay aakhirkii wada gaadheen, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh oo u abaal weyn ugu hayo Axmed Siilaanyo.

Galayr

Waxaanu yidhi “Madaxweynaha hadda shaqadda ka fadhiistay, hawshaa wuu ku amaanan yahay, geesinimo ayuu muujiyay.

Anagu haddii aanu Khaatumo nahayna al-baabo badan ayaanu garaacnay, dastuurkayagu-na wuxuu sheegayaa meel kastoo ay dantayadu gashaba waa in aanu nabad ku doonaa, waa in wada hadal aanu ku doono, haddii ay intaasi suurtoobi wayda-na, waa in sidii kale ee aynu ku heli karno xuquuqdeena lagu raadiyaa”.

“Cidda qudha ee arrintaasi ogolaatay, ee soo dhawaysay, madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa ayay ahaayeen, waanan uga mahad celinaynaa, waanan ku bogaadinaynaa,  abaalkaana  waan u haynaa”ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.