Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Caasimadda waxaa dhib ku haya dhalinyarro kooxo u dagaalama dhawr iyo sodon ayaanu qabanay”… taliyaha booliska

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddi-hoosaadka arrimaha  nabadgelyadda ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa  shalay kulan xog waraysiya oo la xidhiidha arrimaha nabadgelyadda dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa la yeeshay  taliyaha ciidamadda booliska  sareeye gaas C/laahi Fadal Iimaan.

Taliye Fadal

Kulankaasi oo ka  dhacay xarunta taliska guud  taliska booliska ee magaaladda Hargaysa, ayaa taliyuhu waxa uu guddiga nabadgelyadda Guurtidda uga xog waramay xaaladda nabadgelyo ee caasimadda Hargaysa iyo hawl galadii u danbeeyay ee dhinaca sugidda nabadgelyadda ee ay ciidanku sameeyeen.

Sareeye gaas C/laahi Fadal, waxa uu faahfaahin ka bixiyay arrimaha amaanka caasimadda iyo hawl galadii ugu danbeeyay oo uu sheegay in  dhibaatadda ugu weyn ay caasimadda ku hayaan dhalinyarro kooxo ah.

Waxaanu yidhi “Nin bani’aadam la raaciyay,  oo rebesh uun loo diray, shaqadiisu daqiiqad ma leh, wakhti ma leh, saacad ma leh, fasax ma leh. Ciidanka boolisku way shaqaynayaan waanan u mahad celinayaa. Waxaanan aamainsanahay in ay yihiin naftood hureyaal bulshadda iyo qaranka   Somaliland naftoodda u huray”.

“Caasimadda waxaa ka jirra kooxo dhalinyarro ah, oo koox koox u dagaalama, ilaa saddexdii sanadood ee u danbeeyay. Xalay (habeen hore) oo u danbaysay, dhawr iyo sodon dhalinyarro ah ayaanu qabanay oo ay ku jiraan qaar xukuman oo maqnaa ama la raadinayay,  kuwaasoo saaka (shalay)  xabsiga lageeyay.

Waxaana taa ka marag furaysa  in idinka laftiinu aad habeenkii iyagoo ciidamadda is eryana ay iskula soo kiin galaan guryaha. Iyadoo marka la soo qabta-na ay waalidkoodu ku odhanayaan, innankaygu masaajid ayuu ka soo  baxay oo uu ka soo eedaamayay” ayuu yidhi taliyaha booliska.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Dhalinyaradan kooxaha ah, waxay ku hubaysan yihiin  Faashash iyo  Mindiyo. Waxa kaloo ay samaysteen Tooshash aad nuurkoodu u badan yahay  si ay ciidanka u wax yeeleeyaan oo ay u cawaraan, markay soo qabanayaan”.

Dhinaca kale taliyaha booliska ayaa fariin u diray waalidiinta caasimadda oo uu ugu baaqay in ay caruurtoodda ka war hayaan falalka ay ku jiraan.   “Saddexdii maalmood ee u danbeeyay waxaanu ku qaadnay olole xoog leh,  dhalinyarro badan ayaana la qabtay.

Waxaanu amar ku bixinay in xataa marka ninku ilmihiisa qabsan waayo, hadhow-na haddii wax ku dhacaan oo dhibaato gaadho wuxuu  odhanayaa, booliska ayaa innankaygii wax yeelay, markaa waa in waalidku ay caruurtoodda qabsadaan.

Arrintaasi gacanta ayaanu ku haynaa, waxaanay ka mid tahay hawl maalmeedkayadaga caadiga ah. mana ay suurto gasheen in aanu qabano kuwan aanu sharciga hor gaynayno ee aanu qabanay, haddii aanaan  ka hor tag la samaynin”ayuu yidhi sareeye gaas C/laahi Fadal.

Ugu danbayn markii kulankaasi soo dhamaaday  guddoomiyaha guddiga nabadgelyadda ee golaha Guurtidda xidhibaan Xirsi Ciise Jaamac, ayaa uga mahad celiyay taliyaha booliska warbixinta fiican ee uu ka siiyay xaaladda nabadgelyo ee caasimadda.

Waxaanu yidhi “Guddiyadda golaha oo dhan waanu isugu yeedhi doonaa, wixii ka soo baxa-na waynu ka wada socon doonaa. Waanad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad warbixinta nooga siiseen”.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.