Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

21-ka Xeer Ee Hogaaminta Aan Muran Aqbalin

Published on December 24, 2017 by   ·   No Comments

By John C. Maxwell

Waxa aynu halkan si kooban ugaga hadlidoonaa buugga 21-ka xeer ee hogaaminta wanaagsan; waxana qorey Maxwell ee akhriste ku soo dhawow iyaga oo faahfaahsan.

 

  1. Xeerka ibo-furka awooda hogaaminta:

Awooda hogaamintu waxa ay qaabaysaa heerka waxqabad ee qofka. Awooda hogaamintu waxa ay daaha ka rogtaa amaba ay ibo-fur ku samaysaa, awooda waxqabad ee qofka. Awoodaada hogaamintu waxa ay saamayn balaadhan ku yeelataa qaabeynta iyo jihaynta qorshaha masiiriga ah ee shirkadaada. Markasta oo awoodaada hogaamineed ay sarre u kacdo, si lamida ayuu waxqabadkaaguna sarre ugu kacaa.

  1. Xeerka saamaynta:

Halbeega dhabta ah ee hogaamintu waa saamayn. Hogaaminta dhabta ahi kama timaado abaalmarin la isa siiyo ama magacaabista xil la isu magacaabo. Kaliya waxa ay ka dhalataa hadba sida la isku saameeyo, sidaasi darteed, habka saameyntu waa xirfad in la kasbadaa ay waajib tahay.

Shanta khurafaad ee hogaaminta laga aaminsan yahay:

Khurafada Maamulka—ee sheegaysa in hogaaminta iyo maamulidu ay siman yihiin. Hogaamintu waxa ay ku saabsan tahay in dad la saameeyo si loo kasbado kalsoonidooda, halka uu maamulku awoodiisa oo dhan isugu geeyo ilaalinta nidaamka iyo isku dubaridkiisa. Maamulayaashu waa kuwo mar walba jihada loo socdo maanka ku hayn kara; dadka loo baahan yahayna saamaynta gaadhsiin kara.

Khurafada Fursad-hellista—fursad-hellayaashu waa kuwo xirfad u leh helitaanka fursadaha iyo ku raad joogidoodaba. Laakiin dhamaantood ma wada aha kuwo ku fiican hogaaminta hiraalka, waxana dhib ku ah in ay dadka u jiidaan dhinaca ay rabaan.

Khurafada Aqoonta—waxa ay leedahay garasho-dheeri iyo tacliin la isku daray sida daruuriga ah, hogaamin uma dhigmaan.

Khurafada Horseedidda- hormood kasta oo wax cusub soo kordhiyaa hogaamiye ma aha. Si uu qofku hogaamiye u noqdo ma aha safka dadka ah ee dhabarkiisa taagan in uu ka qarsoomo, laakiin si loo raaco, waa in la bidhaansan karo oo muuqiisu aanu ka libdhin safka dadka ee raadkiisa ku sibir-taagan.

Khurafada Mansabka-hogaamintu kuma salaysna mansab iyo darajo midna. Sababta oo ah mansabku hogaamiye ma sameeyo, ee hogaamiyaha ayaa mansab sameeya.

Qodobo dhawr ah oo saamaynta hogaamiyaha sarre u qaada

Shakhsiyadooda- yey yihiin?

Xidhiidhkooda bulsho-yey aqoon u leeyihiin?

Aqoontooda- maxay aqoon u leeyihiin?

Dareenkooda-maxay dareen u leeyihiin?

Waayo-aragnimadooda: maxay hore uga soo shaqeeyeen?

Guushooda: maxay hore u soo xaqiijiyeen?

Awoodooda: maxay awood u leeyihiin?

Sirta dhabta ah ee saamayntu ay leedahay, waa awooda aad u leedahay qancinta kuwo kale, si ay kuu siiyaan kalsoonidooda.

  1. Xeerka koboca- maalin qudha hogaamiye laguma noqdo. Hogaamiyuhu si uu hogaamiye u noqdo, waa in uu si joogto ah u kobciyo; una horumariyo xirfadiisa hogaamineed si uu uga duwanaado la hogaamiyaha.

Marxaladaha uu maro koboca hogaamineed ee qofku

Qofka oo yidhaahda Ma garanayo waxa aanan garaneyn

Qofka oo yidhaahda Waxa aan ogahay in baahi aan u qabo in wax ogaado

Qofka oo yidhaahda Waan ogahay waxa igu adag ee aanan garaneyn

Qofka oo yidhaahda Waan ogahay, waan kobcayaa, hada ayaanan bilaabayaa

Qofka oo yidhaahda Si tartiib ah ayaan wax u wadaa sababta oo ah waan fahansanahay hawsha aan wado.

Si aad u dabaqdo: diyaari qorshaahaga shakhsiga oo kobci xirfadaada hogaaminta, dadka agtaada joogana fursad u sii in ay wax kaa bartaan.

  1. Xeerka jihaynta:

Qof waliba shukaanta markabka wuu qaban karaa, laakiin jihada loo socdo in la cayimaa, waxa ay u baahan tahay Hogaamiye. Ka hor inta hogaamiyayaasha wanaagsani aanay dadkooda ma jaraha safarka u qaban, waxa ay sameeyaan sahan, si ay safarkaas u siiyaan fursada ugu fiican ee uu dhibaato kaga baaqsan karayo, guulna ugu gaadhi karo halkii loo soo sahamiyey. Hogaamiyayaashu waxa ay hawlgaliyaan waayo-aragnimadoodii hore—guul kasta iyo fashal kasta oo hore kuu soo maray, waa illaha ugu muhiimsan ee xogta iyo xikmada. Guushu waxa ay ku bartaa waxa aad qaban karayso, waxana ay ku siisaa kalsooni. Laakiin guuldarada iyo fashalku waxa ay ku bari karaan casharo waaweyn oo khatar kaa badbaadin kara. Laakiin hadii aad ku fashilanto, khaladaadkaaga in aad wax ka barato, waxa aad u socotaa wax kale ma aha ee waa guuldaro.

Hogaamiyayaashu inta aanay tallaabo qaadin waxa ay dersaan duruufaha ku xeeran. Ma jiro hogaamiye fiican oo wax qorsheyn karaa, isaga oo aan dareen siin duruufaha taagan.

Hogaamiyaashu waa kuwo dhegaha u furta oo weeleeya tallooyinka loo soo jeediyo

  1. Xeerka wax soo kordhinta:

Hogaamiyayaashu waa kuwo u adeegida kuwa kale qiyam ku soo kordhiya, macne weyna u sameeya.

  1. Xeerka kalsoonida: kalsoonidu waa aasaaska hogaaminta
  2. Xeerka ixtiraamka:

Sida ay xaqiiqadu tahay dadku waxa ay taageero iyo ixtiraamba u muujiyaan, hogaamiyeyaasha iyaga ka horumarsan xag aqooneed, xag waayo-aragnimo, xag maaliyadeed, xag xirfadeed iyo xag awoodeedba. Sidaas waxa u shaqeeya xeerka ixtiraamka.

  1. Xeerka awooda fahanka wacyiga jira:

Hogaamiyuhu waxa uu qiimeyn ku sameeyaa wax kasta hogaaminta hagardaamo soo gaadhsiin kara.

  1. Xeerka soo jiidashada:

Cidda aad tahay waa cidda aad soo jiidato. Hadaad rabto in aad soo jiidato dad wanaagsan, ahow nooca shakhsiyada aad dooneyso in aad soo jiidato.

  1. Xeerka isdhexgalka:

Hogaamiyeyaashu waa kuwo quluubta soo jeediya, ka hor inta aaney codsan in taageero loo muujiyo.

  1. Xeerka ardaaga gudaha:

Badiba hogaamiyaha waxa awoodiisa sarre u qaadaa waa dadka uu la fadhiisto. Guusha hogaamiyuhuna waxa ay ku xidhan tahay kala doorashada hadba cidda uu ku soo casuumayo ardaagiisa gudaha. Mid kamida hogaaminta fiican waxyaabaha lagu yaqaano, waxa kamida, awooda loo leeyahay in lagu saameeyo, kuwa awooda u leh raadeynta kuwo kale.

  1. Xeerka muujinta awoodaha kuwa kale:

Hogaamiyeyaasha isku kalsooni waa kuwa qudha ee kuwa kale tamarta siiya, ee waliba awoodahoodana dibeda soo dhiga.

  1. Xeerka sawirka:

Dadku waxay garaabaan marka indhahooda wax la tuso. Waayo soomildu waxa ay ku maahmaahdaa, “Indho waxay arkaan, ayey ilko gooyaan”.

  1. Xeerka iibinta ama iibsashada mustaqbalka:

Marka hore dadku waxa ay iibsadaan hogaamiyaha, marka xigana Higsiga ama Hiraalka uu wato. Halka ay tahay in marka hore hogaamiyuhu uu helo riyada; intaa kadibna dadka, dadkuna waxa ay hellaan marka hore hogaamiyaha, intaa kadib, ayey riyada uu watona rumeeyaan. Sidaas ayuu xeerka iibsashada mustaqbalku u shaqeeyaa, hogaamiyaha iyo riyadiisuna ay u iibsamaan.

  1. Xeerka guusha:

Hogaamiyeyaashu waxa ay soo helaan hab ay kooxdu u guuleysan karto.

  1. Xeerka xawaareynta socod hawsha:

Xawaareyntu waa saaxiibka ugu wanaagsan ee hogaamiyaha. Hogaamiyeyaashu markasta oo ay guulo kala duwan u soo hooyaan shirkadahooda, dadku waxa ay siiyaan ixtiraam dheeraad ah oo ka badan intii ay filayeen, taasina waxa ay ku boorisaa in xawaarehooda waxqabad ay sii labanlaabaan, si guule kale oo hor leh loo sii xaqiijiyo.

  1. Xeerka mudnaanta:

Hogaamiyeyaashu waxa ay fahmaan hawlaha daruuriga ah ee mudan in la dardargeliyo iyo kuwa aan daruuriga ahayn ee mudan in dib loo yara dhigo.

  1. Xeerka nafhurka:

Hogaamiyuhu waa in uu wax walba u huro sidii hore loogu socon lahaa, ee loo xaqiijin lahaa ahdaafta iyo higsiga shirkadiisa.

  1. Xeerka wakhtiga:

Ogaanshaha goorta hogaamin ku haboon ayaa ka muhiimsan waxa la qabanayo iyo meesha loo socdo.

  1. Xeerka balaadhinta koboca:

Si aad wax u kobciso, hogaami hoosjoogayaasha-si aad kobcintaas u sii balaadhisona hogaami hogaamiyeyaasha.

  1. Xeerka dhaxalsiinta:

Qiimaha ugu dambeeya ee hogaamiye lagu xasuustaa, waa habdba dhaxalka uu ka tego, cidda uu ku aamino iyo ciddaasi sida ay dhaxalkaas ula dhaqanto isaga dabadii. Laakiin waa in hogaamiyuhu inta uu nool yahay uu ka sii fekero dhaxalka uu rabo in uu dadkiisa uga tago; kana sii dardaarmo cidda dhaxalkaas xadhiga u qabaneysa, si aaney arintu u noqon nin iyo xoolihii makala hadhaan. Waayo waxa imandoonta maalin maalmaha kamida oo dadku ay noloshaadii dhamayd ku soo koobidoonaan hal sadar amaba jumlad qudha.

 

MAXAMED CABDIKARIIM AXMED (SHIIL)

 
,, ,,,.