Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Hanti La’aani Ma Jirto Ee Han La’aan Ayaa Jirta, By: Maxamed C/kariin Shiil

Published on December 26, 2017 by   ·   No Comments

Umada Aaminsan Qabyaaladdu Dhanka Horumarka Muuqaalkan Oo Kale Ayey Leedahay. Sidee Ayey Hore Ugu Mari Kartaa? Hadii Ay Tartan Gali Lahayd Se Kaalintee Ayey Ka Geli Lahayd? Hadii Alle S.W.T Uu Ku Siin Lahaa Awooda Maamul Ee Cuntadu Marka Ay Hunguriga Dhaafto Aad Si Siman Ugu Qaybin Lahayd.

Nafaqada Iyo Hawada Unug Kasta Oo Jidhkaaga Kamida? Heerka Ay Qabyaaladdu Inala Gaadhay Waxa La Arki Lahaa Qof Labadiisa Gacmood Iyo Labadiisa Lugood U Kala Badinaya Nafaqada Iyo Hawada.

Taasi Waa Mala Awaalkayga (Imaginary), Sawirkii Iiga Soo Baxay Markaan Qiimeeyey Marxalada Ay Bulshadu Ku Sugantahay.

Laakiin Waaqica Marka Aynu U Nimaadno Ee Aynu Eegno Bulshada Aynu La Nool Nahay, Sidee Ayeynu Qabyaalada U Arki Karnaa? Dabarka Bulshada Isku Hayaa Waa Mid Noocee Ah? Ma Xidid Nimaa?, Ma Xigaalnimaa?, Ma Qaranimaa? Ma Dan Laba Qof Ama Koox Ka Dhexaysaa? Ma Islaanimaa? Marka Aad Ogaato Ee Aad Qiimeyso Shantaa Dabar, Dabarka Umadan Aad La Nooshahay Isku Hayaa Ka Uu Yahay Boqolkiiba Waa Imisa?.

Is Weydii Waxa Qofka Umad Masuuliyadeeda Qaada Ka Weeciya Dariiqa Cadaalada? Shantaa Dabar? Walaalkayow Ama Walaashayey Waxa Aan Ku Odhan Lahaa, Shantaa Dabar Saddex Tuur Oo Laba Ka Qaado. Qaado Dabarka Qaranimada Iyo Ka Islaanimada. Garo Cidda Aad Daacad U Noqoneyso. Alle S.W.T Waxa Uu Yidhi, “Adeeca Alle Iyo Rasuulkiisa Iyo Kuwa Idinka Midka Ah Ee Tallada Idiin Haya”.

Ma Nihin Reer Jees Ah Oo Keligii Meel Degan, Ee Waxa Aynu Nahay Qabaa’il Isku Yimid Oo Wax Wada Leh, Waa In Aynu Ixtiraamno Dabarka Isku Keen Haya Ee Wax Wada Lahaan Shaha Ama Qaranimada, Si Ay Midnimadeenu U Meel Marto, Waa In Aynu Ixtiraamno Dabarka Isku Keen Haya Ee Islaanimada, Si Aynaan U Seegin Alle Naxariistiisa.

Qabyaalada Ama Eexdu Waxa Ay Dhalataa, Umadu Marka Ay Weydo Fikirka, Kartida, Iyo Isfahanka Ee Ay Waxba La Soo Bixi Kari Weydo, Ee Ay Runta Isku Sheegi Kari Weydo Ayey Is Reebtaa Oo Ay Is Riiqdaa, Oo Ay Raadkeeda Dib Uga Noqotaa Oo Ay Heeryadeeda Dib U Cuntaa.

Taasna Waxa Ugu Wacan Umada Wax Wada Lihi Waxa Ay Haysato Ee Ay Dhaxashay Oo Ku Filnaanwaayaa Jiilashii Cusbaa Ee Bulshada Ku Soo Kordhay.

Dhibaatada Ina Haysataa Waxa Ay Tahay Adiga Oo Og In Jab Roodhi Ahi Aanu Umada U Wada Qaybsami Karin Amaba Harag Sakaaro Ku Fadhiya Waa Maxay Sababta Uu Caqligu U Garan La’ayahay Sidii Gabaabsigan Looga Bixi Lahaa? Maxa Ina Hortaagan? Qabyaaladi Jiri Mayso Hadii La Helo “Ikhlaas”.

Cidda Kursiga Ku Fadhida Ayaa Laga Rabaa In Ay Umada Gabaabsiga Ka Saarto, Inagoo Shacabkii Ahna Waxa La Inaga Rabaa Awaamiirta In Aynu Qaadano. Dadku Marka Ay Gartaan Dhibaatada Haysata Iyo Sida Looga Bixi Karo, In Cida U Damqata Ee Xalka Wada Ay Aqbalaan Ayuunbaa La Gudboon.

Qabyaaladana Qof Aan Han Lahayn Oo Wax Yar Doonaya Ayuunbaa Ku Meeraysta, Qaranimadu Waa Geed Ku Giblan Inta Ku Hoos Nool. Laakiin Islaanimadu Way Balaadhantahay, Waxana Lagu Helaa Janno Baladhkeedu Leegyaha Cir Iyo Dhul Inta Ka Dhexaysa. Hanti La’aani Ma Jirto Ee Han La’aan Ayaa Jirta”.

 

By: Maxamed C/kariim Axmed (shiil)

Hargaysa/ Somaliland

 
,, ,,,.