Tuesday, October 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda

Published on January 3, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeer madaxweyne  ku soo saaray  Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.

26196404_1517573505023164_2175324509575625868_n

Xeer-Nidaamiyaha  dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda ee uu maanta soo saaray madaxweynaha ayaa   qeexaya wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah ee  la is raaciyay.

Kaasoo u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018 uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iio Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya:

  1. Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo,
  2. Hay’adaha madaxa-banaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray,
  3. Wasaaraddaha loo bedelay hay’ad madax-banaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo bedelay hay’ad madax-banaan oo la yidhaahdo hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
  4. Hay’adaha Madaxa banaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo
  5. Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-banaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay; Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;

Markaan Ku Qancay; Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya’daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;

Markaan Go’aansaday; In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;

Waxaan Soo-saaray

Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 
,, ,,,.