Sunday, April 22nd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Lagu Canbaareeyay Safarkii Wasiir Federaalka Soomaaliya Ka Tirsan Ku Yimid Badhan

Published on January 4, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Shirkii labaad ee golaha wasiirradda xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee maanta ayaa laga soo saaray go’aamo dhawr ah oo ku saabsan arrimaha gudaha xaaladda nolosha bulshadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

26166950_1518727698241078_7782032965994955999_n

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray shirkaasi golaha wasiirradda ee maana oo u dhignaa sidan:

 

WAR-SAXAAFADEED:04/01/2018

Kal-fadhigii labaad (2aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka iyo shacbiga Somaliland.

Waxaanay u dhignaayeen Qodobada ka soo baxay shirku:-

  1. In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kale-na ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.
  2. In la xoojiyo go’aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay joojinta dhulka danta guud ee qaranka.
  3. In la joojiyo qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.
  4. In xubnahan hoos ku xusan loo saaro inay ka shaqeeyaan xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland, xubnahaas oo kala ah:-

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale)

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

 
,, ,,,.