Tuesday, July 17th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Jabuuti Oo Si Heer Sare Ah U Qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa+Sawirro

Published on January 7, 2018 by   ·   No Comments

Jabuuti(SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo shalay u kicitimay dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si  balaadhan loogu soo dhaweeyay dalkaasi.

26195669_1521112818002566_6733282778899573779_n 26219634_1521116434668871_6208772715226046882_n

Markii  ay gaadheen madaarka diyaaraha ee dalkaasi, oo ay ku sugayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka mida golihiisa wasiiradu.

Markii ay soo cagadhigatay diyaaradii siday weftiga madaxweynaha Somaliland oo iyadu ahayd diyaarad khaasa oo madaxweynaha Somaliland ka qaatay madaarka Cigaal International Airport, geysayna madaarka Jabuuti.

Iyadoo  ay madaxweynaha ku hoos sugayaan diyaarada wasiirada Arrimaha dibeda iyo wasiirka maaliyada ee Jabuuti iyo buxno kale oo ka mida dawladda Jabuuti oo uu wehelinaayey safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay ciidamada dalka Jabuuti ka dibna waxa loo sii gelbiyey dhinaca qolka nasashada (VIP)-da oo uu ku sugayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

26219863_1521116294668885_8742238533416452769_n 26220195_1521115854668929_6701217923234472256_n

Madaxweyne Geelle oo isagu marti-qaadka u fidiyey madaxweyne Muuse Biixi si balaadhana u qaabiley una soo dhaweeyey dhigiisa Somaliland ayaa qadar nasasho ah ka dib madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey Hotel Kempinski oo ay weftigu ka degan yihiin.

Waxaana la filayaa in uu maalinta beri ah si rasmi ah u qabsoomi doono kulanka labada madaxweyne ay yeelan doonnaan, kaasi oo noqon doona mid lagu soo qaado lagagana wada hadlo danaha labada dal iyo ta geeskaba.

1n 111111n 26168596_1521115558002292_5032672955950375544_n 26168609_1521112811335900_5458325943749380657_n 26168977_1521115611335620_5943410291877631417_n (1) 26168977_1521115611335620_5943410291877631417_n 26169967_1521116054668909_9040033174807038706_n 26195472_1521116194668895_6758199066662891279_n 26195669_1521112818002566_6733282778899573779_n (1) 26195669_1521112818002566_6733282778899573779_n 26219634_1521116434668871_6208772715226046882_n 26219863_1521116294668885_8742238533416452769_n 26220195_1521115854668929_6701217923234472256_n 26230178_1521115614668953_8180383241817225808_n 26731038_1521116544668860_2177368016690242436_n 26733711_1521112781335903_4575165990970725347_n (1) 26733711_1521112781335903_4575165990970725347_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.