Tuesday, January 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“In Xuduudeen-na ay madaxda Soomaaliya timaado fawdo ayay keenaysaa imika”… Cali Jaamac Buureed

Published on January 7, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Kalluumaysiga Cali Maxamuud Jaamac (Buureed), ayaa ka digay inay Soomaaliya ku soo gudubto xadka iyo xuduuda Somaliland, isla ay xukuumadda cusub awoodda saarta sidii loo sugi lahaa xuduudka.

bured

Xilli  wasiirka ka tirsan Soomaaliya, uu yimid Somaliland, gaar ahaan Sanaag Barri, oo uu ka soo jeedo, waxaanu Xukuumadda kula taliyey inay waajibaadkeeda ka gudato, oo ay awoodo saarto sidii aan looga soo xad gudbi lahayn Xaduudaha Somaliland.

Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Kaluumaysiga Cali Maxamuud Jaamac (Buureed), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “In Xuduudeen-na ay Madaxda Soomaaliya timaado, fawdo ayay keenaysaa. Imika  dawlad baa jirta, ee dawladda cusub ee dhalatay cida masuul uga ah waa inay awooda saarto sidii loo sugi lahaa xaduudaha Somaliland si aan loogu soo xad gudbin ayaa muhiim ah”.

 

“Madaxda Somaliya waxaan leeyahay xadkiina ku eekada, oo ka dheerada wixii keenaya foodo iyo dhibaato, Xukuumaddii hore haddan Wasiir ka ahaa, hadda Shacab baan ahay, balse taladdaydu waa yaan xadkeena iyo xuduudeena marnaba lagu soo xad gudbin” Cali Buureed.

 

SDWO/Hargeisa Office

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

 
,, ,,,.