|
Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM | YOUR ARTICLES |
![]() |
---|
Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net
Jabuuti(SDWO): Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankoodii labaad maanta ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyadoo halkaasi lagu qaabilay weftiga ka socda Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ayaa qaatay saacado, waxaana markii kulanku soo xidhmay saxaafadda la hadlay wasiirada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti oo si faah-faahsan uga warbixiyey ujeedada uu daaranaa kulankaasi.
Ugu horayn Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo isagu ka warbixiyey kulanka labada madaxweyne waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi wuxuu halkan ku yimi, marti-qaad saaxiibtinimo oo ahayd mid soo jireenna, caadadu waxay ahayd in Madaxweynaha Somaliland inay noqoto waddanka ugu horeeya ee uu yimaado, isagoo ku yimi marti-qaad uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.
Si wanaagsan ayaa nalloo soo dhaweeyey oo aad iyo aad u qiimo badan, aadna waan uga mahad celinaynaa Madaxweynaha iyo wasiiradiisa, iyo shicibkaba sidii milgaha lahayd ee naloo qaabilay, maanta halkan shir baanu isugu nimi labada madaxweyne ay ku kulmeen iyo wufuudii la socotay labaduba, waxyaabo fara-badan baa laga wada hadlay oo la xidhiidha danaha labada dal, sidii laysaga kaashan lahaa dhinac walba, dhinaca bulshada, dhinaca dhaqaalaha, xagga nabadgelyada laftigeeda”.
“Waxa kaloo aanu ka wada hadalnay arrimo la xidhiidha guud ahaanba gobolka nabadiisa iyo midnimadiisa iyo soo dhaweyntiisa si wanaagsan buu shirkaasi noogu dhacay jawi wanaagsana wuu ku dhacay, insha allaah bi-idmillaahi kariim waxaan rajeynaynaa inuu noqdo bilow cilaaqaad kasii xoogsama ama kasii adkaada kii hore aynu lahayn insha allaah”ayuu yidhi Sacad Cali Shirre.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo isna faah-faahiyey arrimaha lagu soo qaaday shirkaasi ayaa yidhi “Madaxweynaha Somaliland booqashada uu ku yimi Jabuuti waxay tilmaan iyo tusaale u tahay horta qadarinta ay labada shacab isu qabaan iyo kolkii la doortay madaxweynaha Somaliland ka dib booqashada ugu horaysa ee uu dibada ugu baxay inuu ku yimi Jabuuti kuna soo booqday.
Taasi waxay na tusaysaa inuu xidhiidhka labada dal yahay xidhiidh aad u fiican oo mustaqbalkiisuna fiican yahay, siduu walaalkay Sacad sheegayba labada dal waxay doonayaan iskaashi badan inay hirgeliyaan, iskaashigaasina ku adeeg bulsho maahee ku dhaqaale oo fiican ayaa maanta noo muuqda.
Markaa waxyaalo badan baanu wadaagnaa, oo ay ka mid tahay badda, dhulka, iyo ganacsiga, waxa kale oo laga hadlay xuduudaha sidii si fiican laysugu furi ahaa iyo sidii labada dadweyne uga talaabi lahaayeen xuduudahaa waa laga wada xaajooday”.
Waxaanu intaasi raaciyay “Sidaad ogtahay gobolkeena dhibaatooyin badan baa ka taagan iskaashiga nabada iyo nabadsugida labada dal waa iskaashi loo baahan yahay, la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagaxisaduba, taasina horumarka labada dal ayey qirin-qiir geliyaan oo horumarkaas bay carqaladeeyaan, arrimo kale oo fara badan ayaa imika gudiyadii loo saarayaa oo ay wada fadhiisan doonan.
Gudiyadaas qaar-ba hore u jiray kuwo cusubna waa la abuuray, gudiyadaasina imikay fadhiyadoodii qabsan doonaan, sidaan u arkayo mustaqbalka iyo xidhiidhka labada dal aad buu u fiican yahay mar labaad waxaanu leenahay hambalyo dadweynaha Somaliland oo doorashadan adag si qurux badan oo dimuqraadiyad leh uga soo baxay, hambalyo kalena waxaan u jeedinaynaa dadweynaha mar labaad siday nabada dalkaa u ilaashadaan, nabadaasina aad bay qaali u noqotay gobolkeenii sidaad ogtihiin”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dalalka deriska ah dalal badan bay nabadaasi ka maqan tahay, waxaan odhan lahaa Somaliland iyo Jabuuti waa laba dal oo deris ah laakiin hadana wada jir iyo walaaltinimo qaraabo waxyaalo badani u dhaxeeyaan taasina annaga hadii aanu xukuumada jabuuti nahay in aanu xoojino oo hore u marino ayaa noo taalla”.
Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa waxa hadhimo sharafeed ku maamuusay madaxweynaha Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
SDWO/Hargeisa Office