Sunday, April 22nd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Weftiga Somaliland Ee Jabuuti Ku Sugan Oo Booqday Dekeda Jabuuti iyo Aaga Loo Yaqaano free zone-ka+Sawirro

Published on January 7, 2018 by   ·   No Comments

Jabuuti (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubno ka mida  weftigiisa booqashadda ku jooga Jabuuti ayaa maanta  booqday dekeda Dooraale iyo dekeda Shiinuhu maalgeliyay ee Jabuuti.

26231831_1521963721250809_38143804570372853_n

Sidoo kale-na waxay booqdeen   xarunta free zone-ka oo ah mid ka caagan cashuuraha oo ay maraan xammuulka iskaga gudba dalalka caalamka ee xidhiidhka  ganacsi la leh  jamhuuriyadda Jabuuti.

26219292_1521964971250684_7229294491100613959_n

Kormeerkan madaxweynuhu ku marayey free Zone-ka ayaa waxa uga warbixiyey una sharxay Agaasimaha xarunta free zone-ka Jabuuti, Md. Abubakar Cumar Xadi oo madaxweynaha Somaliland u sharaxey sida meeshani u shaqeyso iyo adeegyada ay qabato, iyagoo kulan ku wada qaateen xaruntaas, madxweynaha iyo agaasimuhu.

Markii kulankaasi soo dhamaadayna waxa uu madaxa xaruntaasi madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ku sharfay kuna maamuusay hadyad sharafeed uu gudoonsiiyay madaxweynaha taaso ka turjumaysay booqashada dhiirigalinta ah ee uu ku yimi xaruntooda.

26196294_1521963397917508_8171847883383874916_n

Geesta kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisu waxay booqdeen dekeda ugu weyn Jabuuti ee Dooraale, halkaas oo ay indho indheeyeen sida ay u shaqeyso dekedaasi waxaana taafaasiil ka siiyay weftiga Madaxweynaha masuuliyiinta xaruntaas gacanta ku haya.

Madaxweynaha Somaliland oo sii watay socdaalkiisa uu ku gaalaa bixiyay xarumaha muhiimka ah ee caasimada Jabuuti iyadoo ay hoggaaminayaan madaxda iyo masuuliyiinta ay khusayso ee dalka Jabuuti.

Waxa  kaloo uu booqday dekeda cusub ee dalka shiinuhu maalgliyey ee caasimada Jabuuti ku taalla, taasoo hawlo muhiim ah u qaban doonta mandaqadan geeska Afrika.

Daawo Sawirrada:

26168488_1521965854583929_3342318367960404760_n 26168698_1521966201250561_126468713909882470_n 26168902_1521962991250882_5678501081043722644_n 26169172_1521963154584199_8922320528980766317_n 26169183_1521963507917497_3568366266567334603_n 26169247_1521962304584284_7123045678092554537_n 26169271_1521963684584146_3050755776710503491_n 26169752_1521961054584409_65813083486177991_n 26169772_1521962364584278_8594848833869425242_n 26195338_1521961874584327_7489063832521350573_n 26195451_1521961411251040_5434172603535731484_n 26195926_1521963014584213_7805090885420020323_n 26196234_1521965927917255_916309406128341641_n 26196294_1521963397917508_8171847883383874916_n 26219292_1521964971250684_7229294491100613959_n 26219362_1521963447917503_7204583801937071617_n 26219538_1521962084584306_8052619242913943380_n 26219641_1521961051251076_6794072317142256823_n 26219652_1521966074583907_1041337406475956919_n 26219702_1521964967917351_6603955409878897617_n 26220065_1521961901250991_7733590497338860791_n 26220197_1521963394584175_3153394549157518154_n 26229337_1521961404584374_3208291749247219418_n 26229360_1521961884584326_384831841643952005_n 26230224_1521963867917461_6840990508852807381_n 26230339_1521961684584346_8303546878861414181_n 26230459_1521963591250822_2498514676432894082_n 26230717_1521961037917744_3823325848453883102_n 26230950_1521963011250880_8438212885256349469_n 26231544_1521961401251041_8408054621455922718_n 26231831_1521963721250809_38143804570372853_n 26731337_1521965677917280_6029998997341140589_n 26731394_1521964951250686_7856822514738492150_n 26731773_1521963771250804_7195262126338456109_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.