Tuesday, January 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Hogaaminayay Oo Dalka Ku Soo Laabtay

Published on January 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo laba maalmood qaatay , kaas oo ay ku tageen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

26734252_1522834337830414_7736975865199724474_n

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirada arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Waxbarashada iyo Sayniska Md. Yaasiin Maxamuud Xiir(faro-toon), Caddaaladda Md. Cabdiqani Maxamuud Xaateeye, taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Ilaalada Xeebaha sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo sareeyo guuto Cabdi Xirsi Ducaale.

Waxay  subaxnimadii hore ee saaka kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi salaan sharafeed ka qaatay cutub katirsan ciidamada qaranka oo halkaas ku sugnaa.

26239845_1522834161163765_5294811339241076536_n

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka Cigaal International Airport, ayaa si mug leh u faahfaahiyey waxyaabihii uga soo qabsoomay safarka ay ku tageen dalka Jabuuti.

Waxaanu  sheegay inay soo dhaweyn diirran kala kulmeen madaxweynaha dalka Jabuuti iyo xubno kamid ah golihiisa wasiirrada, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Intii aanu joognay Jabuuti si wanaagsan oo milgo leh oo qurux iyo xarrago leh ayaa naloo soo dhaweeyey, waxaanu is aragnay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxaanu la kulanay wasiirrada dhigayaga ah, waxaanu kormeer kusoo marnay mashaariic horumarineed oo aad u badan oo qiimo leh, ku dayashona mudan, xalayna jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti ayaanu la kulanay.”

Wasiir Sacad oo hadalkii sii wata, ayaa sheegay inuu safarkaasi ahaa mid shaqo, waxaana uu tilmaamay inay labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti leeyihiin xidhiidh ma guuraan ah oo dhinacyo badan leh, “Safarkaasi si wanaagsan buu noogu dhacay, mid saaxiibtinimo iyo mid shaqo-ba wuu ahaa, mid inaga iyo Jabuuti inaga dhexeeya ayuuna ahaa, taas oo ka turjumaysa ehelnimada iyo cilaaqaadka wanaagsan ee dhinac walba ah.

Jabuuti  waa waddan aynu leenahay cilaaqaad taariikhi ah oo qoto dheer oo dhinac walba ah, haddii ay ganacsi tahay, haddii ay isu socodka dadka tahay, haddii ay ehelnimada tahay, haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay mid ammaan tahayba, xidhiidhkeenuna mid saaxiibtinimo oo kali ah ma ahee waa mid jaarnimo iyo mid dhinac walba ah,” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

26169160_1522833887830459_6577346435609541076_n

Wasiirku  waxa uu xusay inay wefti ahaan soo dhaweyn meeqaamkeedu sarreeyo kala kulmeen dalka Jabuuti, waxaana uu mid mid u dul istaagay waxyaabaha ay sida gaarka ah diiradda ugu saareen wada-hadalladii labada dhinac yeesheen.

Waxaanu  yidhi,“Anigu muddo badan oo ilaa 8-sanadood ah baan dawladda kusoo jirey, dalal badanna waanu tagnay, laakiin sida Jabuuti naloogu soo dhaweeyey si la mid ah cid inoo soo dhaweysay ma jirto, marka ay madax waddamo isu yimaadaan waxa laga wada hadlaa dano wajiyo badan leh oo dhinacyo siyaasadeed, dhaqaale, siyaasadeed, ganacsi iyo nabadgelyo leh.

Annagu-na intaba waanu ka wada hadalnay, waxa wada-hadalkayaga kamid ahaa sidii loo wada ilaashan lahaa khayraadka badda, sidii loo fududayn lahaa socdaalka, ganacsiga loo fududayn lahaa la isagana caawin lahaa xagga tabobarrada iyo waxyaabo badan oo ka turjumaya danaha labada dal”.

Daawo Sawirrada:

26169136_1522834034497111_3545846742668236199_n 26169160_1522833887830459_6577346435609541076_n 26169238_1522833764497138_1001857087566028047_n 26195581_1522836511163530_4963791313034219363_n 26195681_1522834761163705_5504268098517678579_n 26219276_1522833974497117_2381367971912358030_n (1) 26219276_1522833974497117_2381367971912358030_n 26219561_1522835831163598_4072347191157786288_n 26229332_1522834334497081_3125032849673421168_n 26231301_1522836311163550_8663216431188573085_n 26231450_1522834064497108_1476415519292883027_n 26231728_1522833907830457_6116664336996956047_n 26231741_1522834771163704_2388073138758903188_n 26239268_1522833924497122_6884104469410355014_n 26239572_1522833774497137_70783023316075797_n 26239845_1522834161163765_5294811339241076536_n 26731257_1522835887830259_1390182229022216844_n 26731718_1522834331163748_4057330499449200487_n 26733545_1522833777830470_5790474501953617766_n 26734252_1522834337830414_7736975865199724474_n

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.