Tuesday, January 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Tacadiyadda Ka Dhanka ah Haweenka

Published on January 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka  kufsiga iyo ku xad-gudubka jinsiga, kaasoo golaha hor yaalay muddo saddex sanadood ah.

Baashe

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax,  waxaa ka soo xaadiray 51 mudane oo ka mid ah 82-ka xubnood ee xildhibaanadda aqalkaasi ka kooban yahay.

Waxaana ogolaaday  46 mudane, 2 xildhibaan ayaa diiday, 2 mudane ayaana ka aamusay, gudoomiyuhu-na muu codaynin sidaas ayaanu ku ansaxay  xeerka kufsiga iyo ku xad-gudubka jinsiga.

Baashe Maxamed Faarax, oo ka hor intii aan codka ansixinta loo qaadin xeerkani  faahfaahin ka bixiyay  ayaa sheegay in xeerkan laga saaray dhamaanba waxyaabihii loo arkay in ay ka hor imanayaan shareecadda islaamka iyo in marka la ansixiyo kadib aanay shaqayn doonin shuruucdii ka horeeyay.

Waxaanu yidhi “Mudaneyaal, waxaa ina hor yaalla xeerka kufsiga iyo ku xad-gudubka jinsiga, waana laga dooday, waxaanu ina hor yiilay ilaa 2014-kii.  Xeerkan wixii shareecadda islaamka ka hor imanaya waa laga saaray,  wixii ciqaab ahaa ee ka horeeyayna marka xeerkan la ansixiyo waa la joojinayaa, waxaana lagu dhaqmayaa xeerkan cusub”.

Tacadiyadda ugu badan ee la sheego in ay haweenka Somaliland la kulmaan waxaa ka mid ah kufsiga, guurka khasabka ah iyo falal kale oo lid ku ah xuquuqda bani’aadamka  gaar ahaana dumarka.

Geesta kale ansixinta xeerkan waxaa soo dhaweeyay ururadda haweenka ee dalka ka jira sida NEGAAD iyo NOW oo ka mid ah daladaha  ugu waa weyn ee ka shaqeeya arrimaha u doodidda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka .

Waxaanay ku tilmaameen xeerkani in uu wax badan ka tari doono tacadiyo iyo dhibaatooyin  ay sheegeen in ay haysteen ama la kulmi jireen haweenka Somaliland.

Dhinaca kale fadhigii maanta ayaa xildhibaanadda waxaa loo qaybiyay CV-yadda golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, iyadoo guddoomiyaha goluhu mudaneyaasha ku wargeliyay in mid mid loogu yeedhi doono wasiirrada, isla markaana ay gudiyadda qaabilsan waraysiyo la yeelan doonaan.

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.