Tuesday, October 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

4 Qof Oo Ku Dhintay Dagaallo Mar Kale Ka Dhex Qarxay Soomaalida iyo Oromadda Itoobiya

Published on January 8, 2018 by   ·   No Comments

Jigjiga (SDWO): Inta la og yahay 4 qof ayaa lagu soo waramayaa in maanta  lagu dilay dagaallo mar kale ka dhex qarxay qawmiyadaha Oromadda iyo Soomaalida  ee dalka Ethiopia.

IMG_46FFC5-1B8DCA-B95D89-E249D5-0E51D6-2099E5

Qawmiyadda Soomaalida Itoobiya degan  ayaa ku eedeeyay Oromadda in ay si badheedh ah oo weliba aad u fool xun u dileen dadkan la laayay.

Garadka guud ee beelaha Soomaalida Itoobiya  garaad Kulmiye  garaad  Maxamed Garaad Dool, oo la hadlay BBC   ayaa ku eedeeyy Oromadda in ay xagoodda ka suuroobi wayday kulamo nabadeed oo la doonayay in  qaab dhaqan   loogu xaliyo colaadda.

Wuxuu sheegay in qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda ay yihiin dad walaallo ah oo dhaqan wadaag ah, isla markaana aanu weligii inta uu  taariikhda og yahay mar-naba  aanay sidan oo kale dilal fool xun oo Majo la isku jar-jarayo u dhex marin labadda qawmiyadood.

Isagoo xusay in dadka colaadahan hurinayaa ay yihiin kooxo dhalinyarro Oromo ah, iyadoo   wax ka qabashadda arrintan ay hor taagan tahay in Oromadu aanay doonayn in si daacad ah loo dhameeyo.

Geesta kale garaad Kulmiye  Maxamed garaad Dool,  ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha dhaqanka ee qawmiyadda   Oromadda in ay  nabad ku dhamaystaan colaadan u dhaxaysa.

Sidoo kale garaad Kulmiye, ayaa  dawladda federaalka Itoobiya ku booriyay in ay si buuxda wax uga qabato xalinta dagaaladda, isagoo xusay in aanay  dawladu  daacad ka ahayn  xalinta arrintaasi.

images

Ugu danbayn, Soomaalida oo ay xad dheer wadaagaan degaanka Oromadda ayaa mudooyinkan danbe waxaa ka dhex taagnaa colaado salka ku haya dhinaca degaanka iyo xuduudka kala qaybinaya labadda kilil.

Waxaana dagaaladaas ku dhintay boqolaal dad ah oo labadda dhinacba ka soo kala jeedda, halka kumanaan kale-na ay ku baro-kaceen colaadaha qawmiyadahan u dhexeeya.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.