|
Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM | YOUR ARTICLES |
![]() |
---|
Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net
Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa xukuumadda federaalka Xamar ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso degaamadda u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Puntland.
Baashe, ayaa sheegay in mudooyinkan danbe ay dawladda Soomaaliya ku hawlanayd dhaq-dhaqaaqyo khal-khal iyo amaan darro ku keenaya goboladda bariga Somaliland, isla markaana ay dabadda ka soo riixayso maamulka Puntland.
Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta warbaahinta kula ahdlay magaaladda Hargaysa, ayaa sidoo kale uga digay Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliya in ay joojiyaan farrogelinta ay ku hayaan dhulka Somaliland.
Daawo Hadalka Baashe:
SDWO/Hargeisa Office